Ilaa 70 qoys oo beeraley ku nool deegaanno Koonfurta Baydhabo ku yaalla ayaa wajahaya cuntoyaraan, kaddib markii roobab xooggan oo daadad dhaliyay ay toddobaadkii hore ka dumiyeen keydadkii raashinka ee dadkaas.
Beeraleyda deegaannadaas waxay dalagyada u soo go’a ku keydsadaan bakaaro, halkaas oo ay ka isticmaalaan raashinka ay cunayaan, iyo haddii ay u baahdaan in ay suuqa geeyaan. Bakaaraha ayaa ka sameysan Godad hoos u qodan sidoo kalena kor laga saarey Balka Badarka iyo Ciid. Sida uu warbxintaan ku faahfaahinayo weriyaha Ergo ee Baydhabo Muxyadiin Xasan.