(ERGO) – Collaadda oo weli ka taagaan degaanka Tukaraq oo dhaca koonfurta gobolka Sool ayaa keenay in dad ka badan 1000 qoys oo ku noolaa ay u barakacaan dhul miyi buurlay ah oo ku hareeraysan deegaankaas. Dadka uu badan ayaa tegey deegaanka Kursu-dubalay oo galbeed 18km kaga began Tukaraq.
Odayaasha deegaanka oo la hadlayey Ergo ayaa u sheegay in dadkaani ahaayeen kuwii magalada deganaa iyo xero dadkii abaaraha ku soo cayrtoobay ay ku noolaayeen ay ku barakaceen colaadaas oo ilaa hadda taagan, una dhaxaysa maamulada Somaliland iyo Puntland. Dadkaan ayaa wajahaya hoy la’aan, cunno la’aan iyo kuwo la kulmay weeraro uga yimid duur joog.
Cibaado Cali Faarax waxay kamid tahay dadkii ka barakacay deegaanka Higlada oo 15km dhanka waqooyi ka xigta deegaanka Tukaraq. Shan carruur ah oo ay dhashay ayay halkaasi kala carartay, si ay uga nabad gasho colaada.
Waxay sheegtay in habeenkii ugu horeeyey ee ay timid Kursu-dubalay ay waraabe raxan ah soo weerareen, wiil 15 sana jir ah ayuu ku dhegay madaxa, waxay sheegtay inuu gaarsiyey dhaawacc, ayna ka dhigtay markii ay qaylo iyo isigu dartay tuuryo, si dirqi ayeyna uga badbaadisay.
Waxay intaas ku dartay in meesha Kursu-dubalay tahay goob ceel ah oo xooluhu maalintii ka cabaan, habaynkiise cidla ah
“Hoy la’aanta iyo roobka nagu da’aya waxaa noo dheer cabsi joogto ah oo habeenkii ah, iyadoo ceelkaas waraabuhu isugu imanaya habeenkii” Ayey tiri Cibaado.
Waxay sheegtay in wiilkii dhaawiciisii loo qaaday Laascaanood, halkaasi ayaana lagu dawaynayaa, oo ilaa hadda ku jiraa isbitaal. waraabuhu wuxuu soo weeraray xili habayn ah 17 bishan.
Waxaa sidoo kale dadka collaadda ka baracay ku sugan yihiin degaamada Daldhac, Higlada iyo Beerwayne oo dhammaantood ku yaalla galbeedka iyo koonfurta Tukaraq, waxaa kale oo jira degaano Tukaraq u dhow oo dagaaladu saameeyeen, dadkiina ka carareen sida Higlo, God-qaboobe iyo Faleedh-yaale, iyadoo dadkii degenaa ay naftooda kala carareen dagaalo xoogan ay deegaanadaasi ka dhaceen 15 iyo 19 bishan May.
Cabdi Maxamed oo ka mid ah odayaasha Tukaraq ayaa Ergo u sheegay in 600 oo dadkaan barakacay ka mid ah ay ahaayeen dadkii horay ugu soo cayrtoobay abaarihii degaanka jiray sanadihii la soo dhaafay.
Shugri Muuse Saalax oo ah hooyo siddeed carruura haysata, ayaa kamid dadka ka barkacay dagaalkii dhacay 15 bishaan May , waxayna waqtigan ku sugan tahay deegaanka Daldhac oo 18 km galbeed ka xiga Tukaraq, deegaankaas oo ay sheegtay inay ku doorteen ceel biyood halkaas ku yaalla, iyadoo sheegtay in wixii ay haysteen aysan waxba ka soo qaadan.
“Dhibaatada noogu daran waa hoy kuma haysto, raashin mahaysto iyo caafimaad darro, labadii carruur ahayd ee ugu yar yaraa waa iga xanuun sanayaan, mana jirto meel aad wax daawo ah ka heli karto, qandho iyo matag ayaa laba maalin haysay”. Ayey tiri Shugri.
Waxay intaas ku dartay in saddexdii maalin ee ugu horraysay oo ku beegnayd 15 ilaa 18 bishan May deegaanka aanay dabka waxba saarin, laakiinse waxay cunaan ay ka heleen reer ay deris yihiin oo siiyay raashin karsan. Dadkaasi maalintii ayay gabbaad ka dhigtaan dhirta hoosteeda, halka habaynkiina ay galaan dayr ood ka samaysteen.
Waxay intas ku dartay in Tukaraq ay ku lahayd dukaan yar oo ay alaabooyinka bagaashka ah ku iibin jirtay, ayna ka soo barakacday. Caruurtu muddo todobaad ah ayey iga xanuunsan yihiin, magaranayo xanuunka haya.
Dagaalka oo bilowday sagaalkii subaxnimo iyagoo nolol maalmeedkoodii ku jira ayaa ku keentay in ay afar saacadood markii ay lugaynayeen ayey jidka iyada iyo qoysas kale ka heleen gaari, kaasoo geeyey deegaanka Daldhac.
Tukaraq abaaruhu ku soo barakiciyeen iyo kuwii deganaaba waxay hadda isla noqdeen kuwo noloshoodu isku mid tahay, kuna nool goobo aysan ku haysan wax nolol ah.
Axmed Cabdi Abtiile waa wakiilka urur samafal oo la yiraahdo Somali Development Association oo deeq raashin u qaybiyay 150 qoys oo degan deegaanka Daldhac oo dhanka qorax u dhac ka xiga Tukaraq 15km.
Ururka Horumarinta Soomaaliya oo ah mid samafal ayaa deeq raashin ah u qaybiyay qoysaskaas oo degan deegaanka Daldhac 17 bishaan May. Wakiilka ururka ee gobolada Sool iyo Sanaag Axmed Cabdi Abtiile ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoys walba ay u qaybiyeen 75 kiilo oo isugu jirta bariis, bur, sonkor iyo saliid. Wuxuu timaamay in raashinkan deegaankaasi u geeyeen si deg deg ah si loo badbaadiyo nolosha dadkaas. Wuxuu tilmaamay inay qorshaynayaan in bilowga bisha soo socota ee Juun ay ilaa 200 oo qoys u qaybiyaan raashin.
Wuxuu intaas ku daray in dhibaatada uga xoogan waxay soo gaadhay hooyooyinka iyo carruurta, gargaarkaan geynay waa hal meel, meelihii kale ee dadka u barakaceen weli cidi ma gaarin, dhibaataduna waa ka jirtaa.