Boqollaal qoys oo ka barakacay colaadda ka aloosan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa waxaa ku barakacay dad boqollaal qof gaaraya, kuwaas oo miciin biday dhulka buurallayda ah ee galbeed uga beegan Tukaraq.
Barakaca dadkan ayaa ku soo aaday iyadoo sidoo kale ay deegaanka ka jireen roobab xoog leh oo saamayn ku yeeshay nolosha dadkaas. Ma jirot ilaa iyo hadda gar gaar ay dadkaasi heleen, mana haystaan aqalo ay ka galaan dhaxanta iyo qoraxda. Sida uu warbixintan soo socota ku eegayo weriyaha Raadiyo ee magaalada Laascaanood Faarax Dubad oo howlo shaqo u tegay deegaannada ay dadkaasi u barakaceen.