(ERGO) – Duufaanta Sagar ee 19-kii bishan ku dhufatay deegaanno ku yaalla xeebaha gobollada Awdal iyo Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ayaa sababay dhimashada 43 qof sida uu shalay (23-kii bishan) warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali. Toban qof oo kale ayaa la la’yahay. Maamulku wuxuu xusay inay dhici karto meydad hor leh in la helo, maaddaama ay dadka qaar guryaha ku dumeen.
Dadkan oo ku dhintay degmooyinka Baki, Lughaya iyo tuulooyinka hoos taga iyo sidoo kale deegaanka Gargaara ayaa qaarkood meydkooda oo ay daadka qaadeen ayaa laga helay dooxooyinka.
Khasaaraha ugu badan ee duufaanta wuxuu ka dhacay deegaanka Gargaara oo 20 km koonfur uga beegan degmada Lughaya. Ilaa 800 oo guri ayaa halkaas ku burburay sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Cabdullaahi Cali Nuur oo ah guddoomiyaha Lughaya. Xilliga aan telefoonka kula xiriirnay wuxuu ku sugnaa Gargaara, wuxuuna sheegay in dadka ay guryo la’aanta ku dhacday aanay meelna u barakicin oo ay deegaanka ku haysato gabbaad la’aan.
Cabdullaahi ayaa sidoo kale xusay in ay go’an yihiin waddooyinka gala deegaannada xeebta ku yaalla sida Lughaya, Cabdi-geedi, Ido-caddays iyo Ceel-la-helay. Arrintaas oo adkaysay in deegaannadaas gargaarka lagu gaarsiiyo gaadiidka dhulka, waxa keliya ee tegi karaana ay yihiin helikabtarrada.
Awdal iyo Waqooyi-galbeed waxaa duufaanta uga barakacay dad lagu qiyaasay 669,000 oo qof, sida lagu sheegay war-saxaafadeed 21-kii bishan ka soo baxay dowladda Somaliland. Dadkaas ayaan hadda haysan adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha sida hoy, cuno iyo daryeel caafimaad. Siddeetan boqolkiiba xoolihii deegaannadaas ku sugnaa ayay duufaantu dishay.
Guddoomiyaha Lughaya ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen 9,000 oo qoys oo u soo barakacay Lughaya iyo Gargaara. Kuwaas oo qoyska ugu badan uu wato 10 neef oo xoolihiisa uga haray. Diiwaan-gelinta reer-miyiga soo cayrtoobay ayuu tilmaamay inay si maalinle ah u socoto.
Soddon iyo saddex iskuul ayaa qaarna dumeen, kuwa kalena ay saqafkii sare ka qaadday dabaysha ay duufaantu wadatay. Iskuulladaas oo ku kala yaalla gobollada Awdal, Waqooyi-galbeed iyo Togdheer ayaa waxaa dhigan jiray arday lagu qiyaasay 25,000 oo caruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Somaliland.
Dhanka kale, roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada lix qof iyo in 301 guri ay noqdaan kuwo dumay iyo kuwo ay biyo galeen sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho. Kumannaan qoys oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee gudaha iyo duleedka magaalada ayay sidoo kale saameeyeen daadad ka dhashay roobka.
Qulqulka biyaha iyo dhibicda roobka oo xoogganayd ayaa burburiyay aqallo cooshado ka samaysnaa oo dadkaas ay gabbaad ka dhiganayeen.
Dadka dhintay waxaa ku jira labo carruur ah oo ay dhashay Raaxo Cabdi Axmed oo deggan xerada Sar-kuusta ee duleedka Muqdisho. Hooyadan oo hadda ay soo hareen labo carruur oo kale ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay daadadka ka dhashay roobka ay ku wayday wiilasheeda oo lix bilood iyo labo sano jir ahaa.
Waxay xustay inay fududaysatay awoodda roobku leeyahay, markii uu sii xoogaystayna ay dad ay deris yihiin ka doonatay bac ay dusha ka saarto buulkeeda, laakiinse intii ay maqnayd ay biyihii qaadeen wiilasha. Waxaa maydkooda laga soo helay tog xerada dhinaceeda mara. Labada wiil ee kale oo 7 iyo 12 jir ah ayay sheegtay inay xilliga masiibadu ku dhacday ay guriga ka maqnaayeen.