Dhuusamareeb: Collaad 4 sano jirtay oo heshiis laga gaaray

0
229
Shirka nabadeynta/Sawir/Hajirow/Ergo

Ku dhowaad 400 oo qoys oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka Xananbuure oo ah dhul-daaqsimeed hoos timaada degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud, ayaa dib ugu noqday deegaankoodii. Kaddib afar sano iyo bar oo ay halkaas uga maqnaayeen colaad laba beelood halkaas ku wada martay. Dadka ayaa wali dib ugu noqonaya deegaankoodii sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha Xananbuure Cali Xaashi Faarax.

Waxaana 2dii  bishan May odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ay bilaabeen in ay gogol nabadeed dhigaan deegaanka Laama raqas. Kaddib wada-xaajood maalmo qaatay ayay odayaashu ku hishiiyeen in dadka deegaanku nabad ku wada noolaadaan.

Tuulooyinka lixda ah ee mudada ay ka maqnaayeen dadkii lahaa, ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoogan, iyadoo aboor uu dhulka dhigay carshaantii halkaas ku taaallay. Waxaa sidoo kale dhibaato soo gaartay baraagaha oo uu dilaac galay, maadaama aan in muddo helin wax daryeel ah.

Daahir Maxamuud Xeyle oo ka mid ah xoolo-dhaqatada deegaanka, ayaa 7 Maalin ka hor qoyskiisa oo 14 qof ka kooban  ku celiyay degaanka Laama raqas oo koonfur uga began degmada Caabudwaaq 40km oo uu ka barakacay afar sano bar.

Soo noqoshada qoyskiisa ee deegaankan ayuu ku micneeyey mid muhiimad wayn ugu fadhida, maadaama xilli roobaad lagu jiro, isla markaana oo xoolihiisa u heliyo daaq iyo biyo ku filan.

“Markastaba degaanka dhibaatada ka jirta ayaa looga maqnaa, hadda waan kuso noqonay muddo aan dheereyn oo ilaa todobaad ah. Hadda markii xooga xasilooni ah la helay ayaa lagu soo laabtay, wax hanti ahna lama soo laaban oo hantidii wey luntay bartii ayaa la yimid xooga biyaa ayaa galay oo naf laga dhiganayaa. Aad bey noo saameysay nafsad ahaan aad ayey ii saameysay cidu waxay gaartay ilaa Burco agteeda ayey gaartay waxay gaatay Ari cadeeye, Waraabeye, Qaawane bacaadweyn ilaa Burtinle ilaa wadankaas ayey gaartay,”.

Daahir ayaa ka barakacay laba baraagood oo kuwa biyaha lagu shubo ah, isla markaana xoolaha iyo dadkuba ka cabi jireen. Colaada waqtigaas ka jirtay deegaanka ayaa waxaa u dheeraa abaar uu ku waayay 140 neef oo ari ah.

Mudadii uu daaqa u raadinayay xoolihii usoo haray oo 60 neef oo ari ah, ayuu Maxamuud ka dhaxlay safaradii dheera ee uu galay deyn dhan $1500, lacagtaas oo gadiidkii u qaaday xoolihiisa ay ku leeyihiin $950, halka bakhaar uu raashin ka qaatay uu isna ku leeyahay $450. Raashinkaas oo ayuu isticmaalay intii uu geediga ahaa ee hadba meel uu u guurayay, ayuu sheegay in wali lagu leeyahay oo doonayo inuu dadkii uu qaatay u celiyo marka uu abaarta ka soo kabto.

Qoysaska hadda ku laabtay deegaanka ayaa biyaha ka caba balliyo ay biyo geliyeen roobabka halkaas ka da’aya ilaa dhammaadkii bishii la soo dhaafay. Halka tuulooyinkana ay ku socdaan dayactir ay ku samaynayaan dadkii lahaa ee dib usoo laabtay.

Nabadoon Daahir Maxamed Maxamuud oo ka mid ah odayaal ku howlanaa nabadeynta iyo dib u furista tuulooyinkan, isla markaana  20-kii maalmood ee lasoo dhaafayna ku sugnaa tuulada Laama raqas oo ay gogosha nabadeynta ka furneyd ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay ku guuleysteen in ay wadahadal ku dhameeyaan wax walba oo horey uga dhex dhacay dadka deegaanka.

“Labadii ciidan markan hubkii ka dhignay oo ay isku baroorteen oo ay xabadka isi saareen oo nin walba wixii ku jiray Ilaahey ka saaray oo nin walba ninkii dhintay kuso dhacay iyo sida ay walaalka u aheyeen. Waxayna isla garteen in ay wada fariistan oo xoolo yaboohan Alle baryaan. Waxaan hadda rabnaa wax badan ayaan soo marnaye sidan nabadda ku xajin laheyn oo aan dhidibada ugu aasi laheyn iyo sidii aan ugu gudbi laheyn wixii lagu dhaqmi lahay hada kadib, sida wixii laga yeli lahay kii qori nin ku taaga xabad isagoon ridin. Go’aan aan ka gaarno kii rida xabada iyadoon qof ku dhicin aan go’aan uga gaari laheyn kii ku dhufta aan go’aan uga gaari laheyn. Midkii ka kaca xabada midka u dhinta go’aano sidaas ah in aan dajino ayaan hada ku jirnaa”.

Faarax Daahir Axmed oo 50 jir ah iyo qoyskiisa oo ka kooban 12 qof ayaa dib ugu noqday 16 bishan May degaankii uu ku dhashay ee Xananbuure oo dhinaca waqooyi Dhuusamareeb uga beegan 54 KM. Deegaankiisa ayuu afar sano iyo bar ka hor uga barakacay colaada labada beelood u dhexeysay oo muddo 4 sano iyo 7 bilood ka jirtay degaankaas.

Faarax ayaa labo baraag ku leh  degaanada Qalangale iyo Bohol oo ka mid ah tuulooyinka hadda ay dib ugu noqdeen xoolo dhaqatadii deegaanka oo  4 sanno ka kor uga barakacay colaadii jirtay.

“Daaqsinka iyo wadanka kuli aad ayaa hada loogu soo laabtay dadku waa ay dageen dhibkii Ilaahey ayaa ka dulqaaday darisnimadii iyo ehelnimadii ayaa soo noqotay nabadii ayaa hada la raadinayaa, deegaanka dhan banaanka ayaa laga tagay waana lagu noolaan waayay. Waa degaan daaqsinta aad ugu fiican, waxay uga duwan tahay tuulooyinka kale dhul-daaqsimeed wanaagsan ayey leedahay marka taas ayey uga duwan tahay degaanada kale ee aan daaqa laheyn,”.

Faarax Daahir Axmed ayaa ka tagay Xananbuure bilowgii colaada 2013kii waqtigaas oo uu guuray miyiga gobolka Hiiraan, wuxuuna halkaas la aaday 180 neef oo ari ah iyo 10 neef oo geel ah waxaana uu la kulmay markii uu soo noqday baragihiisu oo burbursan isla markaana dayactirka u baahan, taas oo uu hada qorshaheeda wado.

Gudoomiyaha Xananbuure Cali Xaashi Faarax   oo ah halka ugu weyn ee soo noqoshada dadka reer miyiga laga dareemayo ayaa Radio Ergo u sheegay in degaankaas iyo tuulooyinka kale ee dib loogu noqday ay ku yallaan qiyaastii 3000 oo guri iyo 200 baraago ah. Waxaana dhulka colaada u xirnay ee hadda furmay uu ku sheegay 200 KM. Tuulooyinka soo noqoshada laga dareemayo waxaa ka mid ah Qalangale, Bohol, laama raqas, sangooye Iyo Degaanka Xananbuure.

“Xooluhu waa isdhex daaqayaan dadku waa kuso laabteen waa ku ganacsanayaan meheradihii hore ayey boorka ka jafayaan oo ay hadda ku ganacsanayaan meheraduhu waa ay xirmeen. Barkadaha inta ood afka laga saray ayaa laga tagay, hadda barkadihii waa lawada cabayaa oo waa laga wada dhaansanayaa. Dadku markii hore deegaan ahaan kalama fogeen labo nin oo isku barkad ah oo isku meel barkaduhu ugu yaalan hal bali wada caba hal barin wada degan ayaa kala carartay… Nin gurigiisi iyo barkadisii ka tagay oo intaa oo sano aan arkin waad dareemi kartaa sida uu dareenkiisu yahay in uu dib ugu soo noqdo gurigiisii isago nabad qaba,”.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here