Deegaanka Xananbuure oo ah dhul-daaqsimeed hoos timaada degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud iyo toddobo tuulo oo hoostagta, ayaa dadkii deganaa dib ugu noqdeen muddo afar sano iyo bar ah kaddib. Arrintan ayaa timi kaddib markii odayaasha laba beelood oo halkaas colaad ku dhex martay ay bartihimii bishan hishiis nabadeed kuwada gaareen deegaankaas.
Deegaanka colaadu ka dhacday ee hadda dib loogu noqonayo ayaa ah dhul-daaqsimeeed ay sidoo kale ku yaalaan baraagaha biyaha laga cabo. Cabdirisaaq Maxamed Xirsi Haajirow ayaa warbixintan Dhuusamareeb innooga soo diray.