(ERGO) – Darawalada cagafyada ayaa markii ay fatahaadu qaaday beerihii gobolka Hiiraan, fursado shaqo ka helay gudaha magaalada Baledweyne, iyagoo dadka iyo alaabada u kala gudbiya deegaannada fatahaadu saamaysay. Abuukar Cali Yuusuf oo ka mid ah wadayaasha gaadiidkaas ayaa Ergo u sheegay in inta badan ay gudbiyaan shacabka u kala goosha magaalada iyo deegaannada loo barakacay sida Ceel-jaalle, halkii qofna ay saacadii ka qaadaan $2.
Wadada keliya ee laami ah ee dhex marta magaalada ayay darawaladu qiyaas ku maraan, maadaama ay biyuhu qariyeen. Arrintaas oo ay ka dhalato khasaare isugu jira naf iyo maal, marka cagaftu ay ka leexato wadada, sidaasna ay ku rogmato. Ilaa hadda shan qof ayaa shilalkaas ku dhintay, iyadoo shilkii ugu dambeeyey oo dhacay 11 bishan May ay ku dhinteen laba qof oo uu ku jiro wadaad caan ka ah magaalada, halka shan kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.
Abuukar waxa uu sheegay in marka qofku uu soo gaaro meel ku beegan gurigiisa ay ku dejiyaan, markuu soo danaystona ay biyaha dhexdooda ka soo qaadaan.
Webiga Shabeelle ayaa markale fatahaad ku keenay xaafadaha Baledwayne 12-kii bishan, iyadoo meelihii biyuhu ka noqdeen ay markale soo buuxsameen. Arrintaas ayaana dib u dhigtay qoysaskii ku talo jiray in ay dib ugu noqdaan guryohoodii oo wali biyo fadhiyaan.
Dadka aan iska bixin karin lacagaha lagu raaco cagafta ayaa dhex lugeeya biyaha, waxayna inta badan la kulmaan khataro. Magaalada oo leh laba buundo oo dadka iyo gaadiidku isticmaalaan ayaa waxaa 1 mitir iyo bar ka sarreeya biyaha webiga, taas oo khatar ku ah shacabka lugaynaya.
Maxamed Axmed Guure oo 19 jir ah, si dirqi ah ayuu uga badbaaday biyo qaaday 11-kii bishan, kaddib markii isaga iyo wiil ay saaxiibo yihiin ay biyuhu qaadeen iyaga oo ka gudbaya buundada. Wiilkaas oo aan ilaa iyo hadda nolol iyo geeri midna lagu hayn ayuu Maxamed ka sheekaynayaa sida ay dhibaatadu ugu dhacday.
“Biyaha ayaa lugaha noo bixiyay, kaddib webiga ayaanu ku dhacnay. Xasan aniga ayuu I qabsaday, hoos ayaan isula degnay, kaddibna biyaha dhexdooda ayaan ku kala harnay,”. Ayuu yiri Maxamed.
Labo saacadood kaddib oo uu Maxamed haystay geed ku yaalla webiga jiinkiisa ayay shacab u gurmadeen sidaasna lagu soo bad baadiyay.
Wuxuu 4 kiilo oo bariis iyo sonkor isugu jiray u waday qoys ay qaraabo yihiin oo ku go’doonsan biyaha. Markii dambena uu dib ugu laabtay deegaanka Ceel-jaalle oo ah halkii uu ka yimi, isagoo raashinkii aan gaarsiin qoyskiisa.
Fatahaada ka taagan Baledwayne ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Macalin sheegay in ay ku barakeceen 144,000 oo qof, iyadoo ay jiraan khasaare maaliyadeed oo baaxad leh oo aan wali la tira koobin.