Digniinno ayaa laga bixinayaa khatar ka dhalan karto duufaan la sheegay in ay ku wajahan tahay gobollada waqooyi ee Puntland iyo Somaliland. Duufaantaas oo la yiraahda ONE ayaa ku dhufatay badweynta India.
Waxaa la sheegaaa in duufaantu ay gobolladaas ku soo beegan tahay 24-ka ilaa 48-da saac ee soo socota, meelaha ay ku hormareysana waa gobollada bari ee Puntland.
Haddaba Cabdillaahi Cabdiraxmaan Axmed waa guddoomiyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Puntland ee HADMO. Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsan ayaan ka wareystay waxa ay xog ka hayaan duufaantan iyo sida ay dadka u gaarsiinayaan in ay ka gaashaantaan khataro daadad iyo dabeyllo ka dhalan kara.