Boqolllaal qoys ayay noloshooda ku tiirsaneyd ku xamaalista gaari-gacanka. Laakiin afar bilood ka hor waxaa gabi ahaanba Gaalkacyo laga waayay gaadiidkaas oo dadku ay ku adeegan jireen, kaddib markii suuqyada magaalda ay ku soo badatay gaadiidka Bajaajta la yiraahdo, taas oo dadkii ku adeegan jiray gaari-gacanka ay u wareegeen oo ay iyada ku adeegtaan baddelkii gaari-gacanka. Weriyaha Ergo ee Gaalkacyo Jibriil Cismaan Cilmi ayaa warbixintaan inoo faahfaahinaya.