Laba caruurta ayaa ku dhintay cisbitaalka weyn ee Hargeysa oo hadda cudurkaas ay u jiifaan 50 caruur ah oo da’doodu ka hooseyso shan jir.
Isniintii Shalay 14 bukaans oo shuban ah ayaa laga diwaan galiyay waadhka caruurta ee cisbitaalka weyn kuwaasi oo uusoo ritay cudurka shubanka. Dhamaan caruurtaasi waxaa lagu daweynayaa xarunta nafaqeynta ee cisbitaalka weyn oo markii ay buuxsantay loo sameeyay taandhooyin lagu daweeyo bukaanada cisbitaalada la keenayo oo soo kordhaya.
Dr Cawaale Cabdilaahi Cumar Madaxa waadhka nafaqeynta caruurta ee cisbitaalka Weyn ee Hargeysa ayaa raadiyo ergo u sheegay in bukaanada caruurta cudurka shubanku soo ritay ay soo kordheen saddexdii todobaad ee u dambeeyay, 70 carruur ah oo kale ayuu sheegay inay ka daaweeyeen shubanka oo isbitaalka ka baxday.
Waxaa soo diray warbixintaa, weriyaheenna Ilyaas Cali Cabdi.