Abuukar Cali Yuusuf waxa uu ka mid yahay wadayaasha gadiidka cagafta ee qaada shacabka u kala gooshaya gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanka dadkii magaladu u barakaceen Ceel Jaalle waxay dadku ku qaadaan lacag dhan $2, mudo hal saac ayay ku qaadataa iney cagafta dadka geyso dhulka qalalan, marinkay martaana waa wadada laamiga oo kaliya, marka ay gudaha magaalada usoo qaadayaan dadka magaalada dhexdeeda raba inay raashin u geeyaan qoysaskooda ku go’doonsan biyaha iyo kuwa doonaya inay alaabooyin ka so qaataan guryahooda.
“Cagaftu kama degto wadada laamiga ah, biyo ahaa buuxiyey, ma arkaysid waddo, qiyaas ayaad ku wadaysaa, marka qofku soo gaaro meesha ku began gurigiisa ayuu ku degtaa, markuu ka soo danaystana ay biyaha dhexdooda ka soo qaadaa” Ayuu yiri Abuukar.
Waxaana jirta wakhtiya ay ku dhex gadoonto biyaha oo ay khasarooyin ka dhisaan, ilaa shan qof ayaan shilalkaas ku dhintay.
Weriyaheenna Beledweyne Jamaal Cali Yare ayaan warbixintaan inoo soo diray.