In ka badan kun beerood oo kuwa webiga jiinkiisa ku yaalla ah ayay saameysay fatahaadda uu dhowaan sameeyay webiga Jubba ee mara magaalada Baardheere iyo tuulooyin hoos yimaada.
Waxaa fatahaaddu ay baabi’isay dhammaan dalagyadii, sidoo kale matoorradii waraabinayay beeraha ayaan qaarkood meel lagu sheegin. Weriyaha Raadiyo Ergo ee Baardheere Axmed Cumar Saalixi ayaa warbixinta ku eegaya dhibaatada ka dhalatay fataahada.