SWALIM oo ka digaysa fatahaado ka dhaca gobollada labada Shabelle

0
130

U qaybsanaha mashruuca maamulka dhulka iyo biyaha Soomaaliya ee SWALIM gobolka Shabellaha Dhexe Yacquub Ciise Cumar, ayaa sheegay in biyo xoog leh oo webigu wado kuna soo fool leh gobollada Shabeellooyinka ay khatar ku yihiin dadka jiinka webiga ku nool, ayna ka gaashaantaan naftooda iyo maalkoodaba. Wuxuu intaas ku daray in dadka looga bahan yahay inay la socdaan xaaladda webiga iyo sida heerka biyahiisu hadba isu bedelayaan, meelaha qararka jilicsanna ay xiraan ama ka fogaadaan.

Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsan ayaana waraysigaan la yeeshay Yacquub.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here