Garoowe: Boqol qoys in ka badan oo abaaraha ku cayrtoobay oo beeralay noqday

0
80

Xafiiska Iskaashatada beeralayda gobolka Nugaal ayaa Raadiyo Ergo u sheegay  in ka badan 100 qoys oo ah dadkii miyiga ku soo cadhtoobay ay ilaa lix aag oo kuwa beeraha ee gobolka Nugaal ka tirsan ay ka bilaabeen inay beero ka tabcadaan, xilligaan gu’ga.

Iyagoo taageero ka helaya ehaladooda iyo beeralayda. Waxayna inta badan beertaan cuntada iyo qudaarta, iyagoo leh hadafyo ay ka mid tahay in ay xoolaha yar ee u hadhay u helaan kayd calaf ah, si aysan uga dabar go’in, sidaa waxaa raadiyo Ergo u sheegay Xasan Yusuf Kaarshe, gudoomiyaha beeralayda gobolka Nugaal.

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here