Cabdullaahi Abuukar Adan waxa uu ka mid yahay ragga dheela, isla markaana qaada hees hableedka, cayaarta la yiraahdo. Waa ciyaar ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. Cabdullaahi markiisii hore kabeebeyda ayuu caan ku ahaa oo uu tumi jiray, laakiin markii danbe dhanka hees hableedka ayuu u wareegy, sababtuna waxay ahayd, waxaa yaraaday dadka cayaartan ka heesa ama dheela gudaha Afgooye oo ay caan ka ahayd.
Ciyaartaan waxaa laga dheelaa aroosyada, iyadoo wiilka iyo gabdha is aroosayo heeso amaan ah loo qaado, xitaa dadka kasoo qeybgalo ayaa lagu amaanaa. Weriyaha Ergo Maxamede Cabdi Xasan ayaa Cabdullaahi kala sheekeystay cayaartaas iyo sida looga xiiseeyo gudaha Afgooye.