Dhadhaab: Qaxootiga oo ka cabanaya qiimo koror ku yimid khudaarta

0
226

Roobab mahiigaan ah ee kuwa Gu’ga oo ka curtay guud ahaan gobolka geeska Afrika, meelaha ay sida xooggan uga da’een waxaa kamid ah gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya oo xitaa ay roobabku sababeen in ay gooyaan waddooyinka magaalooyinka isku xira.

Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa kamid ah meelaha saameynta roobabka laga dareemaya kaddib markii ay xireen waddadii u dhexeysa Gaarisa iyo Dhadhaab oo ay qaxootigu u soo mari jirtay khudaarta, waxayna taas keentay in uu sare u kac ku yimaado qiimaha la kala gato khudaarta.

Nolosha dad badan oo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab ayey arrintan saameyn ku yeelatay. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa noo soo diray weriyaha Radio Ergo ee Dhadhaab, Axmednuur Maxamed Cabdullaahi Yogol.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here