Barakacayaal dib u dejin loo sameeyey

0
209

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u dejin u sameeyey qoysas barakacayaal ah oo xeryihii ay deganaayeen dhawaantan si xoog ah looga saaray. Dhinaca kalana waxaa maamulka uu sheegay in uu wado qorshe dib u dejin rasmi ah loogu sameynaya barakacayaasha ku nool xeryaha ku yaalla gudaha iyo duleedka Muqdisho.

Qorshahaas oo la rajeynaya in la dhameystiro ilaa sanadka 2022-ka ayaa looga gol-leeyahay in aysan wax xeryo barakacayaal ah ku sii oolin caasimadda oo barakacayaashu ay la degaan dadka magaalooyinka ku nool ama ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen.

Maxamed Xaashi oo ka tirsan Radio Ergo ayaa wareystay Xiriiriyaha Arrimaha Samafalka iyo Gargaarka Deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir Drs Hodan Cabdullaahi Cali.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here