Deegaanada Somaliland waxaa ka bilaabmay tallaalka cudurka dabaysha kaas oo lagu tallaalayo carruurta ka yar shanta sano oo gaareysa 650 kun oo ku nool deegaanada baaddiyaha iyo magaalooyinka.
Mashruucan cudurka dabaysha lagaga tallaalayo carruurta waxaa iska kaashanaya Hay’adaha WHO, UNICEF iyo wasaaradda caafimaadka Somaliland,Madaxa Mashruuca Talaalka Gobolka Maroodijeex ee hay’adda WHO Axmed Jaamac Faarax ayaa wariyaha Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali uga warramay u jeeddada talaalkan.