(ERGO) – Laba boqol oo carruur ah, da’dooduna u dhexayso 10 ilaa 18 sano jir, ayaa lixdii bilood ee u dambaysey la qabtay xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto wadamada Itoobiya iyo Jabuuti kaddib isku dayo tahriib oo ay ku doonayeen inay uga baxaan Somaliland. Halka 50 kale oo ka mid ah ay u suura gashay inay ka gudbaan xuduuda Itoobiya, Sida lagu sheegay diiwaan-gelin uu sameeyey xafiiska wasaaradda arrimaha qoyska iyo shaqo gelinta Somaliland.
Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley, Burco, Berbera iyo Boorama ayaa lagu sheegay diiwaan-gelinta in ay yihiin meelaha ugu badan ee ay isku dayayaan in ay ka tahriibaan. Carruurta ayaa la qabtay iyaga oo ka tallaabaya xuduudaha, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay agaasimaha waaxda carruurta ee wasaaradda arrimaha qoyska Khadra Cali Cabdi.
10 maalmood ee u dambaysey waxay ciidamada booliiska iyo kuwa laanta socdaalka ay ku qabteen magaalada Wajaale ee xuduuda Itoobiya ku taalla, afar carruur ah oo ka yar 18 sano. Kaddib markey ogaadeen in waalidkood aanay ka war qabin.
Ciidamada ayaa 24 saacadood carruurta ku haya saldhigyada si aanay uga mid noqon maxaabiista kale ee dembiyada kale loo heysto. Waalidiinta ayaa kaddib laga wacaa taleefannadooda, si ay u ugu yimaadaan. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay taliyaha booliiska gobolka Gabiley ee Somaliland Maxamuud Cumar Suldaan.
Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in marka waalidku la soo xiriiraan ay u sheegaan astaamaha ilmaha, iyadoo qof walba oo ka yar 18 sano oo gaari dadweyne saaran ay la hadlaan waalidkiis, si ay uga xaqiijiyaan inay ka war hayaan meesha uu joogo.
Cadar Aadan Cali oo wiil yar oo 14 jir ah oo ka mid ah waalidiinta ay ka baxsadeen carruurtu ayaa Ergo u sheegtay in bishii Nofeember ee sannadkii hore, wiilkeeda oo ay la’ayd laba maalmood iyadoo markii hore ku ogeyd iskuul, lagu wargeliyey in lagu hayo laanta socdaalka ee Wajaale. Kaddib markii ciidamadu ka qabteen isaga oo saaran gaari ka yimi magaalada Hargeysa.
Wasaaradda howlgelinta shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland ayaa tahriibta carruurta u sababaysay cadaadis ay kala kulmaan waalidka, gaar ahaan marka ay waxbarashada diidaan. Waxay sidoo kale sheegtay in saamayn ku yeelato qaar ehelladooda ka mid ah ama saaxiibo u sheega in nolol ka wanaagsan tan ay haystaan ay taallo Yurub.
Saraakiisha booliiska ayaa ka digay kooxaha dadka tahriibiya ee magaalooyinka waawayn ka abaabulaan dhalinyarada iyo carruurta tahriib doonka ah.
Carruurta ka tahriibeysa Somaliland la ogaaday laba sano ka hor, xilligaas oo la qabtay 50 carruur ah oo ka tallaabaya xuduudaha ay Somaliland la wadaagto Jabuuti iyo Itoobiya.