Ku dhowaad 400 oo qoys oo horey barakac ugu ahaa dulkeedka magaalada Jowhar ayaa mar kale barakacay, kaddib markii guryohoodii ay ugu galeen biyo ka dhashay fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle toddobaadkii la soo dhaafay.
Waxaa sidoo kale fatahaadu ay saamayn ku yeelatay 700 oo arday oo dhiganayay iskuulka Horseed ee magaalada Jowhar, kuwaas oo isu diyaarinayay imtixaanka sannad dugsiyeedka oo dhici doona bartamaha bisha soo socota.
Warbixintan waxaa magaalada Jowhar innooga soo dirtay Maryan Sheekh Cabdi