Saleebaan Aadan Maxamuud oo 60 jir ah, waa nin ku nool magaalada Hargaysa, muddo siddeed sano ah ayuu ku shaqaystaa idaacadd uu garabka ku wato. waxaa magaalada looga yaqaanaa idaacadda wareegta.
Wuxuu socod ku maraa magaalada dhexdeeda, isaga oo beegsanaya hadba meelaha ay dadku isugu yimaadaan. Wacyi gelinta bulshada iyo xayaysiin uu u sameeyo ganacsatada magaalada, ayuu cod baahiyga uu garabka uu ku wato ayuu dadka ku gaarsiiyaa.
Sheekada Saleebaan waxaa Hargaysa innooga soo diray Ilyaas Cabdi Cali.