Rag qoysaskoodii baadiyaha uga yimi oo Gaalkacayo uga xammaala

0
184
Keyda Ergo

Xasan Warsame oo 60 jir ah, muddo saddex bilood ah ayuu ka shaqeynayaa dhismaha guryaha ee magaalada Gaalkacayo. Lix maalmood markii uu Gaalkacayo joogay ayuu shaqadan waydiistey dadka dhismayaasha ka shaqeeya. Waxay u tahay markii u horeysay noloshiisa ee uu xirfaddan qabto. Wuxuu qaabilsan yahay qasida shamiitada iyo soo daabulida dhagaxa xilliga ay socoto shaqada dhismuhu. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inaanay shaqadan aqoon uga baahnayn, balse ay xoog iyo xeelad u baahan tahay.

Bilowgii sannadkan waxaa kordhay tirada dadka inta badan xoolohoodii ku waayay abaarta ka jirta gobolka Mudug, ee shaqooyinka muruq-maalka ah u doonta magaalada Gaalkacayo.

Roobabkii Dayrtii la soo dhaafay oo ku yareyd deegaannadooda, xoolaha abaarta uga bad baaday oo aan nacfi badan lahayn iyo nolosha miyiga oo sii adkaatay ayaa 340 nin ku khasabtay inay muruq-maal ahaan noloshooda ugala soo baxaan dhismaha, dhagax-jebinta, xamaali iyo ka shaqeynta maqaayadaha magaalada Gaalkacayo.

Xasan wuxuu siddeed carruur ah iyo hooyadood uga soo tegay deegaanka Ximcad oo 52 km Gaalkacayo Koonfur uga beegan. 15 neef oo ari ah ayaa uga soo haray 300 oo neef oo uu abaarta kahor dhaqan jirey. Xasan ma awoodo inuu qoyskiisa magaalada keeno, maadaama lacagta soo gasha uu toddobaad walba reerkiisa raashin ugu gado.

Toddobaadkii ayuu sheegay in saddex ama afar maalin oo ka mid ah uu shaqo helo, inta kalena uu shaqo la’aan yahay.

Lacagta uu shaqeysto ayuu sheegay inuu u dhiibto dukaan uu leeyahay nin ay is yaqaanaan. Qoyskiisa ayuu toddobaadkii la soo joogaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, isagoo subaxa dambe ee Sabtida uu dib ugu laabta shaqadiisa oo uu toddobaadkii ka helo Shs550 ilaa 600 ($20). Marka laga reebo kharashaadka magaalada iyo safarka waxaa inta soo hartay ay u goysaa 15 kiilo oo bur ah, 20 kiilo oo bariis ah iyo 10 kiilo oo sonkor ah, intaas oo qoyskiisa hayn karta toddobaadka uu reerkiisa ka maqan yahay.

“Shaqadan waxaan cuno inaan helo ayaa ii geysay. Farqi ayaa u dhexeeya noloshii hore iyo tan, noloshii hore aad iyo aad ayay u wacnayd,” ayuu yiri Xasan.

Ragga uu Xasan ka mid yahay ayaa xilliga habeenkii ah seexda misaajidda magaalada ku yaalla, mana jirto cid ehel ah oo ay ku leeyihiin magaalada.

Shariif Cabdi oo 34 jir ah, qoyskiisuna ka kooban yahay siddeed qof, wuxuu subax walba u shaqo tagaa suuqa raashinka ee Gaalkacayo, si uu qayb uga noqdo shaqaalaha dejiya ama rara raashinka ay gawaaridu keenaan.

Qoyskiisa oo uu uga soo tegay deegaanka Afgaduudle, oo Gaalkacayo u jirta 170 km, ayaanu awoodin inuu toddobaad walba booqasho ugu tago. Bedelkeedna Shs240,000 ($10) oo uu ka helo xamaaliga, ayuu min shan kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah ugu sii dhiibaa hadba gawaarida deegaankaas u socda. Maadaama lacagtaasi ugu qayb samayn gaari-raaca iyo raashinka qoyskiisa.

Shan  sano ka hor ayuu dhaqan jiray 150 neef oo ari ah oo ay hadda uga soo hartay 10 neef keliya. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in bishii koowaad ee sannadkan uu shaqada xamaaliga bilaabay markii uu u adkaysan waayay nolosha adag ee ay qoyskiisu wajahayaan.

Agaasimaha arrimaha bulshada dowladda hoose ee Gaalkacayo Muxiyadiin Yuusuf oo Ergo la hadlay ayaa sheegay in waxa keliya ee  xafiiskoodu awoodaan ay tahay inuu iskaashatooyinka xoogsatada ku amraan iney dadkan shaqaalaysiiyaan.

Waxaa uu intaas ku daray in ka maamul ahaan ay wadaan dadaalo ah in dadkan dib loogu celiyo miyiga oo xooleyn loo sameeyo. Haddii ay taasi dhici waydona ay qorshaynayaan in raggan qoysaskooda loogu keeno magaalada, isla markaana la baro xirfado ay ku shaqeystaan.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here