600 oo qoys ayaa shaqo-abuur loo sameeyay, $500 ayaa qoys walba la siiyay, waxaana hadda shaqo bilaabay 450 ka mid ah dadkaas, Waxay kala joogaan Caabudwaaq iyo Guriceel, waana dadkii abaaraha ay soo barakaciyeen oo ku nool xeryaha magaalooyinkaas ku yaal.
Dadaan waxaa lagu soo xulay sida ay u kala tamar yar yihiin, Hay’adda DRC ayaa mashruucan fulinaysa, sida uu warbixintaan ku faahfaahinayo weriyaha Ergo ee Caabudwaaq, Cumar Siciid Cabdiraxmaan.