(ERGO) – Konton iyo afar kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay deegaannada Somaliland, saddexdii bilood iyo barkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay diraasad fal-dambiyeedyada ku saabsan oo ay soo saareen ciidamada booliiska 12 bishan Abriil. Kiisaska kufsi ee dhacay bilihii ugu horreeyey ee sannadka ayaa saadaalinaysa inuu jiro koror, marka loo barbar dhigo sannadkii la soo dhaafay oo guud ahaan kiisaska dhacay ahaayeen 80.
Waxaa ku jira carruur isugu jirta wiilal iyo gabdho oo da’doodu u dhexayso lix ilaa siddeed sano.
Eedaysanayaasha ilaa hadda loo qabtay falalka kufsiga ayaa gaaraya 55 qof. Waxaa ilaa iyo hadda xabsiyo kala duwan lagu xukumay 30 dhalinyaro ah, halka ciidamada booliisku ay raadinayaan shan qof oo kale kuwaas oo baxsaday, inta soo hartayna ay xukun sugayaal yihiin. Dhalinyarada kufsiga geysatay ayaa lagu kala xukumay inta u dhexaysa 7 ilaa 15 sano. Halka qaarkoodna ay wali xukun sugayaal yihiin.
Magaalooyinka ugu badan ee ay kiisaska kufsigu ka dhaceen ayaa lagu sheegay diraasadda inay kala yihiin Hargeysa oo 25 kiis ah iyo Burco oo 16 kiis laga diiwaan-geliyay. Halka 13 soo haray ay ka dhaceen deegaanno kala duwan oo Somaliland ah.
Nin 12 Janaayo ee sannadkan ku kufsaday Hargeysa gabar lix jir ah ayaa ahaa kiiskii ugu dambeeyey ee maxkamadda gobolka Waqooyi-galbeed ay ka garnaqdo. 14 kii bishan Abriil ayaa lagu xukumay sagaal sano ah oo xarig ah. Xukunka ninkaas ayaa loo cuskaday xeerarkii hore ee kufsiga u yaallay, iyadoo uu jiro xeer cusub oo ka dhan ah kufsiga oo ay golaha baarlammaanku meel mariyeen toddobadii bishan kaddib lix sano oo uu hor yaallay, kaas oo aan weli la dhaqan gelin, iyadoo lala sugayo inuu madaxwaynuhu saxiixo.
Xeerkan waxaa soo dhoweeyay ururada xuquuqda haweenka iyo caruurta u dooda ee Somaliland oo iyagu u ololeynaayay meel marinta shirci ciqaabeed u gaar ah kufsiga.
Xeerkan cusub oo sugaya saxiixa madaxwaynaha, ayaa ah sababta aanu u dhaqan-gelin. Wuxuu golaha wakiillada Somaliland hor yaalley ilaa 2013, xilligaas oo la soo saaray. Golaha ayaana ugu dambayn meel mariyey horraantii bishan.
Sharcigan ayaa ciqaabtiisu tahay qofka lagu helo kufsi inuu mutaysan doono shan sano ilaa 30 sano oo xarig ah, haddii ay dhibanuhu uu kufsigaas xanuuno ka qaadano waxaa ciqaabtiisu noqonaysaa xabsi daa’in. Waxaa sidoo kale ku jira inaan xeer dhaqamadeed lagu xallin karin kiis kufsi, isla markaana aan la cafin karo qofka dambiilaha ah.
Inkasta oo aan lawada diiwaan-gelin kiisaska kufsi ee ka dhaca Somaliland, hadana saraakiisha booliisku waxay sheegeen in ay ku dhiiri geliyaan haweenka inay soo sheegaan wakhtiga ay fal tacaddi ah la kulmaan. Ciidamada ayaa intaas ku daray in dhalinyaradii ugu dambeysey ay 23 Bishii hore ee Maarso usoo qabteen kufsi ay hadda baaristooda wadaan.
Hibaaq Cabdiraxmaan oo u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda haweenka, kuna nool magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujisay tirada tacayaddiyada ka dhanka haweenka ee ku soo badanaya deegannada Somaliland. Waxay ku baaqday si looga hortago in falkan uu ku faafo deegannada oo dhan, in si deg deg ah loo dhaqan geliyo sharciga cusub si loogu ilaaliyo xuquuqda dhibanayaasha.