Shaqo-abuur beddelay nolosha boqollaal qoys oo ku barakacay Galgaduud

0
348
Keydka sawirrada Ergo

(ERGO) – Maxamuud Cali oo 43 jir ah isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban afar carruur ah iyo hooyadood, muddo sanad iyo bar ah oo ay barakac ku yihiin Caabudwaaq, Galgaduud markii ugu horreysay ayaa gurigooda joogto cunto looga kariyaa. Tan ayaa ka dhalatay shaqo-abuur 22-kii Maarso loo sameeyay isaga iyo qoysas kale oo soo barakacay si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo ee sida dhifka ah looga bixiyo xeryaha magaalada.

Sandaqad uu ku iibiyo raashinka sida; bariiska, burka, sokorta, saliidda iyo cabitaanka laga sameeyo khudradda iyo miraha ayuu suuqa Caabudwaaq uga furtay $500 oo ay siisay hay’adda qaxootiga ee Denmark (DRC). Labo ilaa saddex doollar oo uu maalin kasta ka helo shaqadan ayaa nolol-maalmeedka ugu filan qoyskiisa oo deggan xerada lagu barakacay ee Kheyre.

Horay waxay ugu tiirsanaayeen kaalmo ay mararka qaar ka helaan hay’ado samafal ama shaxaad uu magaalada ka soo helo. Xitaa xilliyadaas marka ay ugu fiican tahay hal waqti ayay dabka shidan jireen. Horraantii sanadkii 2017 ayay qoyska Maxamuud u soo barakaceen Caabudwaaq, kaddib markii ay abaarta uga dhinteen labo boqol oo ari ahaa oo ay ku dhaqan jireen deegaanka Dhaqayaboor ee gobolka Wardheer ee Dhulka Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya oo xad la leh Galgaduud.

Dad ku barakacay magaalooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay tiradooda gaarayso 450 qoys ayaa shaqooyin loo abuuray uga ganacsada suuqyada iyo hareeraha xeryaha lagu barakacay ee magaalooyinkaas, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdullaahi Cilmi Cali oo ah madaxa hay’adda DRC ee Caabudwaaq. Waxay qabtaan shaqooyin ay ku jiraan iibinta khudaarta, ganacsiga bagaashka, iibinta xoolaha iyo harqaan-tolista.

Dadkan oo soo xulistooda ay iska kaashadeen maamullada degmooyinka iyo hoggaamiyeyaasha xeryaha lagu barakacay ayaa loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu dhaqaalaha liita. Cabdullaahi wuxuu xaqiijiyay in qof kasta oo ka mid ah dadkaas la siiyay tababar saddex maalmood qaatay. “Waxaan barnay qofka inuu isagu wax la soo bixi karo, intii uu dad kale sugi lahaa, annagana aan caawinno si noloshiisa uu u sii wato,” ayuu yiri.

Waaliddiinta qaar ayaa shaqo-abuurkan uga faa’ideystay inay carruurtooda geeyaan dugsiyada waxbarashada ee lacagta lagu dhigto. Maryan Barre Diiriye oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 10 qof waxay markii ugu horreysay iskuul ku yaalla Guriceel ka soo qortay afar ka tirsan carruurteeda oo ay da’dooda u dhaxeyso siddeed jir iyo 16 jir. Carruurta oo ku kala biiray fasallada koowaad ilaa saddexaad waxay midkiiba bil kasta ka bixisaa $5.

Horay uma aysan helin fursad waxbarasho maaddaama deegaanka ay ka soo barakaaceen oo lagu magacaabo Goofado uusan lahayn xarumo waxbarasho. Waa dhul miyi ah oo u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Lacagta deeqda ah ee la siiyay waxay meherad uga furatay bannaanka xerada lagu barakacay ee Siligle oo ah halka ay deggan tahay. Waxay iibisaa khudaar, hilibka iyo mararka qaar xoolo nool. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in aysan u qorsheysneyn inay dib ugu noqoto miyiga, maaddaama aanay waxba uga horreyn. Abaarta ayay ku dhamaadeen xoolaheedii oo dhan oo ahaa 300 oo ari ah.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here