(ERGO) – In ka badan 600 oo shaqaale caafimaad ah oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa toddobaadkii hore fuliyay olole guryaha ay ku booqanayeen si ay kumannaan carruur ah u siiyaan tallaalka ka hortagga cudurka dabeysha.
Bar-tilmaameedku wuxuu ahaa in la gaaro 174,730 carruur ah oo ay da’ooda u dhaxeyso afar bil ilaa labo sano jir oo ku nool Muqdisho iyo agagaarkeeda. Carruurta waxaa garabka looga durayay cirbadda tallaalka si ay difaac ugu yeeshaan halista cudurka.
Dr. Saxnuun Cabdiraxmaan Fiidow oo ololaha tallaalka ee gobolka Banaadir u qaabbilsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in baaritaan ay natiijadiisa xaqiijisay hay’adda Caafimaadka Adduunka ay ku sameeyeen meel kulmisa bullaacadaha saddex degmo oo Muqdisho ah, kaas oo uu xusay in lagu ogaaday jiritaanka jeermiska cudurka dhaliya oo halis ku ah inuu dalka ku faafo.
Weriyaha Ergo ee Muqdisho ayaa guryo ku yaalla degmada Hodan u raacay kooxda tallaalka oo xiran jaakado jaalle ah oo ay ku sawiran yihiin carruur la tallaalayo si uu ula socdo howshooda.
Dareen kala duwan ayay la kulantay kooxda, waaliddiinta qaar waxay diyaar u sii ahaayeen inay aqbalaan tallaalka carruurtooda, hase yeeshee qaar kale ayaa u haystay in laga maarmi karo ama cabsi ka muujiyay inuu tallaalku sababi karo dhibaato caafimaad.
Kii ugu horreeyay 40 guri oo ay beegsanayeen subaxaas, kooxdu waxay faa’iidada tallaalka u sharraxeen hooyo, taas oo 10 daqiiqo kaddib oggolaatay in loo tallaalo saddexdeeda carruurta ah – labo wiil oo sanad iyo labo jir ah iyo gabar afar bilood jirta ayaa loo tallaalay.
Si kasta oo ay ahaataba gurigii xigay waxay shaqaalaha caafimaadka caqabad kala kulmeen inay hooyada qoyska ku qanciyaan inuu tallaalku lagama maarmaan u yahay cunuggeeda oo siddeed bilood jira. Waxay ka shakisay tayadiisa, maaddaama uu bilaash yahay, laakiin markii dambe way oggolaatay.
Diidmadii ugu horreysay oo toos ah oo ay kulmeen ayuu goobjoog u ahaa weriyeheenna, waxay ka timid aabbe lagu magacaabo Cismaan Nuur Xaaji oo afar carruurtiisa ah la joogay, xaaskiisa waxay ku maqneyd bannaanka markii ay kooxda tageen gurigooda oo ku yaalla degmada Howl-wadaag.
“Dhowr jeer ayaan arkay ilmo inta la tallaalay xanuun ka bixi waayay sida shuban iyo nafaqo-darro. Sidaas ayaanan u oggoleyn. Keligay ma aha xitaa xaaskeyga way ila qabtaa aragtidaas,” ayuu si caro leh u yiri.
Kooxdu waxa keliya ay sameyn karto waxay noqotay inay dhacdadaas u gudbiyaan wasaaradda si loogu soo diro dad ku qanciya tallaalka, ka hor inta aan laga gudbin.
Ololaha oo ay taageerayeen hay’adda caafimaadka ee WHO iyo hay’adda carruurta ee UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa socday toddobo maalin oo xiriir ah, waxaana kooxaha caafimaadka la geeyay xaafadaha magaalada iyo xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.
Wacyigelin ayaa la sameeyay loogu sheegayo waalidka inay mas’uul ka yihiin hubinta in carruurtooda ay tallaalka qaateen iyo waajibka diin ahaan ka saaran ka ilaalinta carruurtooda halisaha caafimaad ee uu ku jiro cudurka dabeysha.
Dr. Saxnuun ayaa sheegay in weli loo baahan yahay dadaal xooggan si loo qanciyo waaliddiinta aan weli oggoleyn tallaalka. Wuxuu xusay in waaliddiinta qaar ay aaminsan yihiin in uusan tallaalku xalaal ahayn, qaar kale waxay rumeysan yihiin in uu sababo cudurro kale iyo in uusan tayo lahayn maaddaama si bilaash ah guryahooda loogu geynayo.