Sida la wada ogyahay dad badan oo barakacayaal ah ayaa ku nool xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee magaalada Muqdisho, inta badan barakacayaasha waxay ka cawdaan in aanay heysan fursado shaqo si ay noloshooda iyo tan qoysaskooda u maareeyaan, hase yeeshee dhanka kale waxaa jira qaar qabta shaqooyin uu daqli ka soo gala, waxaana kamid ah kuwa ka shaqeeya goobaha qashinka magaalada la geeyo.
Waxyaabaha ay qabtaanna waxay tahay waxay soo ururiyaan alaabaha la isticmaalay ee la tuuray oo ay ka iibiyaan shirkad dib u habeyn ku sameyso alaabahaas, kaddibna suuq geysa.
Haddaba sida ay fursaddan uga faa’iideysanayaan barakacayaasha iyo waxa ay sida gaarka ah shirkaddan uga shaqeysa dib u cusbooneysiinta alaabaha la isticmaalay waxaa sheekadeeda noo haya weriyaha Radio Ergo ee Muqdisho, Munasar Maxamed Cabdi.