(ERGO) – Sundus Cali Xuseen oo 20 jir ah waxay qoyska ay adeegtada u tahay kula jirtaa heshiis-shaqo oo ay kala saxiixdeen bishii hore ee Maarso. Labo sano oo ay u soo shaqeysay qoysas kala duwan oo aanay heshiis kala qoran waxay la kulantay tacaddiyo isugu jira mushaarka oo loo diiday iyo xatooyo lagu eedeeyay. Laakiin hadda taas kama walwaleyso oo waxay ogtahay inay sharciga la hortagi karto haddii lagu xadgudbo xuquuqdeeda.
Iyada iyo qoyska ay u shaqeyso waxaa heshiiska u kala qoray xafiiska Xoogmaal oo ay aasaaseen afar gabdhood oo ka baxay kulliyadda sharciga ee jaamacadda PSU ee Garoowe. Xafiiskan oo furan shan bilood wuxuu ilaa hadda heshiisyo saddex-geesood ah u kala saxiixay 60 adeegto iyo qoysas magaalada deggan.
Faadumo Daahir oo ah sharci-yaqaan iyo madaxa maamulka ee xafiiskan ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay ka damqadeen dhibaatooyinka lagu hayo gabdhaha guryaha ka shaqeeya oo sidaas ay xafiiskan u fureen. Inta badan gabdhaha shaqeeya waxay qoysaska la galaan heshiisyo aan qorneyn, sidaas daraaddeed waxaa adag inay helaan caddeymo ay ku dacwoon karaan haddii loo diido mushaarkooda.
“Waxaa heshiiska ku qoran in qofka loo shaqeeyaha ah uu ixtiraamo shaqaalaha ee uusan ula dhaqmin sidii addoon uu isagu leeyahay,” ayay tiri Faadumo. Waxay intaa ku dartay in qofka shaqaalaha ah uu xafiiska la soo xiriirayo haddii uu dareemo xadgudub si sharci-yaqaannada ay u caawiyaan.
Heshiiska waxaa ku cad taariikhda ay labada qof heshiiyeen, wuxuuna qeexayaa nooca shaqada la qabanayo. “Qofka shaqaalaha ah looma diri karo wax ka baxsan heshiiska,” ayay tiri Faadumo.
Heshiiska inta aysan saxiixin waxaa adeegtooyinka qaar la mariyaa baaritaanno caafimaad, si loo hubiyo in aysan qabin cudurrada faafa, loona xaqiijiyo in aysan wheel u ahayn xanuunno ka hor istaagaya inay si joogto ah waajibkooda u gudan karaan.
Sundus oo $80 oo ay ka hesho shaqadan cunto-karinta iyo nadaafadda ah waxay ku taageertaa qoyskeeda oo ka kooban hooyadeed iyo labo walaalaheed ah oo ka yar. Heshiiska ay ku jirto wuxuu u oggolaanayaa inay toddobaadkiiba qaadato hal maalin oo nasiino ah oo ay qoyskeeda la qaadato. Mushaarkeeda oo heshiiska ku cad ayay sidoo kale ku faraxsan tahay inay heleyso waqti cayiman oo ah ugu dambeyn shanta bil kasta.
Shaqooyinkeedii hore waxaa dhowr jeer lagu duudsiyay xuquuqdeeda. “Marka aan isku xanaaqno dadka aan u shaqeeyo waxayba igu eedeyn jireen inaan wax ka xaday,” ayay tiri Sundus. Waxay weli la-yaabban tahay qoyska eeddaas u jeediyay inuu u diiday labo bil oo mushaarkeeda ah. Waxaa lagu eedeeyay inay dhar xadday, laakiin iyadu waxay ku tilmaantay masabidasho xaqeeda lagu banneystay.
Waxaa dhacda qoysaska qaar in gabdhaha u shaqeeya ay ka dhaadhiciyaan in lacagta mushaarka ah ay u ururinayaan, dibna ay ka siin doonaan, balse si ay uga fogaataan bixinta lacagtaas ku badatay waxay u saariyaan eedo, kaddibna shaqada ayay ka eryaan. Gabdhaha lala galo heshiisyada aan qorneyn saacado badan ayaa lagu shaqeeyaa, shaqooyin ka baxsan wixii loo shaqaaleeyay ayaa loo dirsadaa, fasaxyo iyo maalmo nasiinana looma oggolaado. Mararka qaar xadgudubyo jinsi iyo jirdil ayay la kulmaan.
Qoys kale oo ay u shaqeysay dhowr bil iyadoo mushaarka ku leh ayuu shaqada ka joojiyay, isagoo ku wargeliyay in uusan awoodin bixinta lacagteeda. Waxay aaminsan tahay haddii ay heshiis qoran haysan lahayd inay xaqeeda si sharci ah ku raadsan lahayd.
Mararka qaar gabdhaha lagu xadgudbo waxay ka tanaasuli jireen raadinta xuquuqdooda ama magaalada ayayba isaga tagi jireen iyagoo ka cabsanaya in eedaha loo jeediyo dartood loo maxkamadeeyo ama loo xiro, maaddaama aanay lahayn awood ay isku difaacaan. Laakiin kuwa heshiiska saxiixa waxaa arrimahaas uga mas’uul ah xafiiska.
Xoogmaal wuxuu sidoo kale diiwaangeliyaa gabdhaha shaqo-doonka ah, wuxuuna ku xiraa qoysaska magaalada oo la soo xiriira. Hadda waxaa u diiwaangashan 45 gabdhood oo kale oo shaqo-sugayaal ah. Qof kasta oo heshiis-shaqo ay u saxiixaan waxay bishii mushaarkiisa ka jaraan $5 oo ay sheegeen inay u adeegsadaan howl-socodsiinta xafiiska.
Mushaarka inta uu la ekaanayo waxaa go’aan ka gaara xoogsadaha iyo loo-shaqeeyaha, laakiin qofkoodna heshiiskaas kama bixi karo isagoo aan toban maalmood ka hor ogeysiin kan kale. Haddii uu xoogsadaha shaqada ka tago wargelin la’aan ama loo shaqeeyana uu qofka eryo waxaa laga qaadayaa 10 boqolkiiba mushaarka lagu heshiiyay.