(ERGO) – Faadumo Aadan Cigaal oo 60 jir ah, waxay xerada barakaca ee Naasa-hablood 2 ee duleedka bari ee magaalada Hargaysa oo ay ku nool yihiin 540 qoys, ku haysaa walaasheed oo jeex qalal ku dhacay. Faadumo ayaa ka mid ah 200 oo haween ah oo ku nool xerada, kuwaas oo ku cayroobay abaaraha ka jira Somaliland. Waxay noloshooda ku maareeyaan dhagaxa jayga ah oo ay ka uruuriyaan buuraha dhanka bari Hargeysa ka xiga xeradoodana u jira 5 km.
Faadumo ayaa gelin ka mid ah maalintii shaqada aada, halka gelinka kale ay hayso walaasheed. “Cid kale nooma shaqeyso, cunnadii anigaa u karinaya oo hadana u shaqaynaya,” ayay tiri Faadumo.
Waxaa ay jayga uruurinta kula shaqaysata gabar kale oo ay kaamka ku wada nool yihiin. Iyagoo afartii maalmood ee kasta shaqadan ka hela $20 oo ay kala qaybsadaan. Uruurinta jayga, ayaa ah mid u baahan shaqo adag, iyadoo loo koro buuro dhaadheer, maalin kastana laga shaqeeya saacado badan.
Haweenka badankood waxay keligood korsadaan carruurtooda, waxayna isugu jiraan kuwo agoon heysta, ama raggoodii ay kala tageen, iyo qaar nimankii ka xanuunsanayaan oo aanay awoodin inay shaqeeyaan. Waxay Raadiyo Ergo u sheegeen inay shaqadan uga maarmeen inay ahaadaan gargaar sugeyaal, ama in ay cid kale ku tiirsanaadaan.
Gurida jayga oo ay u adeegsadaan jawaanno iyo caagado, ayaa marka ay uruuriyaan waxay ka iibiyaan dadka iska leh dhismayaasha cusub ee laga dhisayo Hargeysa. Kuwaas oo gawaari kaga soo qaata halka ay haweenkan isugu geeyaan jayga.
Maxamed Xuseen oo ka mid ah gaadiidleyda dhismaha ayaa Ergo u sheegay in jayga ay ka qaataan hadba ciddii uu diyaar u yahay. Isla markaana wada shaqayn fiican ay kala dhexayso haweenka, marka ay ka qaataan jaygana ay ku wareejiyaan lacagtooda.
Buuraha ay haweenkani Jayga ka gurtaan waxaa maamusha dowlada hoose ee Hargeysa, lagamana qaado wax canshuur ah.
Saddex haween ah oo ka mid ah dadkii abaaraha ku soo barakacay ayaa billaabay howshan markii ugu horreysay, billowgii 2016. Iyadoo mar walbana ay ku biiriyeen haween hor leh. Basra Maxamed Muuse, waxay maalin kasta 12 saacadood uruurisaa jayga, iyadoo kala soo baxda nolo maalmeedka afar carruur ah oo ay dhashay. Saddex bilood kaddib geerida seygeedii oo dhintay horraantii 2016, ayay bilowday shaqadan.
“Runtii waa shaqo adag, laakiinse duruufta ayaa ii gaysay si aanay carruurtaydu u gaajoon,” ayay tiri Basro.
Afar maalmood ayay uruurisaa jayga, markuu u noqdo hal iska-roge, ayaa laga siistaa $20, oo ay ku bixiso biilka, waxbarashada iyo caafimaadka carruurteeda. Laba ka mid ah ayaa dhigta iskuulka Sheekh Nuur ee ay dowladdu maamusho, oo bishii ay ku bixiso $5. Waxay Ergo u sheegtay in kharashka ay ka hesho uruurinta jayga ay ku filantahay oo aanay qabin baahi ay cid kale wax ku waydiisato.
Hargaysa oo ah magaalo koraysa ayay haweenkan u yihiin il muhiim ah oo ay magaaladu ka hesho jayga, sida uu Ergo u sheegay Eng. Mustafe Cali oo ka mid ah injineerrada dhisa guryaha. Isagoo sheegay in kaali muhiim ah kaga jiraan dhismaha magaalada ka socda.
Haweenkan ayaa Ergo u sheegay inay ka quusteen noloshii miyiga, maadaama ay xoolihii ka dhammaadeen. Halka Hargeysa ay carruurtoodu uga helayaan waxbarasho iyo caafimaad.