Xerada Dhagaxley oo ka tirsan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa roobab ka da’ayey in ka badan 10 saacadood ku soo rogeen daadad, boqolaal qoys ayaana guryihii biyo ka buuxiyeen, Xabiibo Cabdiraxmaan Mursal oo ah gudoomiyaha xeradaas ayaa sheegtay in hadda 700 oo qoys dad ka badan ay hoy ka dhigteen laba iskuul oo xerada ku yaal, waxay intaas ku dartay in kumanaan qoys oo kale meelo taagag ah ay u baxeen.
Weriyaha Ergo ee Nairobi Maxamed Xasan ayaana waraystay Xabiibo.