Home Wararkii u Danbeeyay Maalinta nabadda aduunka, orod maradon ah oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta nabadda aduunka, orod maradon ah oo lagu qabtay Muqdisho

0
211

Maanta oo ah maalinta nabadda aduunka ayaa Muqdisho waxaa lagu saaka lagu qabtay orod Maradoon ah oo loogu tala galay nabadda iyo is dhex galka, orodkaan oo wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dawladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ay soo wada qaban qaabiyeen ayaa waxaa ka qayb gelaya 500 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimid 17ka degmo ee Muqdisho ka kooban tahay.

Sidoo kale waxaa ka qayb gelaya orodyahanno Soomaaliyeed oo caan ahaa oo uu ka mid yahay Cabdi Bile Cabdi oo horay mar ugu guulaystay biladda dahabka ah ee orodka dheer ee 1500m ee dunida.

 

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here