(ERGO) – Rayaan Organic ayaa sanadkii labaad soo saaraysa kareemada jirka iyo saliidaha madaxa. Shirkadda oo fadhigeedu yahay Hargaysa ayaa la aasaasay 2016 kii. Waa shirkaddii ugu horreysay ee nooceeda ah oo laga hirgeliyo deegaannada Somaliland.
Muna Magan oo ah gabadha hindistay shirkadda oo baratay cilmiga sayniska iyo nafaqaynta ayaa 2014 ka qalin-jebisay jaamacadda West Minister ee magaalada London.
Kareemada ay soo saarto shirkaddu oo dabiici ah ayaa laga sameeyaa geedka loo yaqaano Maringaha iyo dacarta. Muna ayaa sheegtay in arrintan ay ku dhalisay markii ay aragtay shaqo yarida haysata inta badan haweenka. isla markaana alaabada dibada laga keeno aan tayadooda la hubin iyadoo lacago qaaliga ah ay suuqyada Somaliland ku yimaadaan.
Kareemada ay iibiso Muno, ayay sheegtay in ay ka jaban yihiin kuwa dibadda laga keeno. Mashiin ay ka keentay dalka dibadiisa ayay u isticmaashaa samaynta kareemada iyo waliba qiyaasaha alaabaha isku-darka ah ee ay kareemadu ka samaysan yihiin.
Muno shaqada waxaa la qabta 19 qof oo 13 haween yihiin. Waxay u kala qaybsan yihiin qaar beera dhirta, kuwo qallajiya iyo qaar iib geeya. Dadkan ayaa ku shaqeeya $60 ilaa $200 qofkiiba.
“Muhiimada u weyn lacag maaha ee waa inaan haweenka Soomaalida tuso inay shaqeysan karaan,” ayay tiri Muno oo ku raja wayn inay ganacsigeeda sii ballaariso “waxaan qorshaynayaa wax Soomaaliya lagu sameeyey inaan dalal kale u dhoofin karo, si aan ula jaan qaadno kareemada caalamka,”.
Beer ku taalla Horo-haadley oo Hargaysa Waqooyi kaga beegan qiyaastii 50 km ayay ku beertay dhirta ay ka samayso wax soo saarkeeda. Toddobaadkii ayay samaysaa 50 xabo oo kareemo iyo saliido isugu jira, waxaana looga iibsadaa muddo kooban, sida ay Ergo u sheegtay.
Muna ayaa sheegtay in ay shacabka kala kulantay soo dhowayn diiran. Waxay intaas ku dartay in dhakhaatiirta ay ka talo geliso kareemada marka ay samayso, si loo hubiyo inaanay dhibaato u keenayn dadka. Hase yeeshee Dr. Nuux Bootaan oo ka howlgala isbitaalka Hargaysa ayaa Ergo u sheegay in geedaha ay isticmaalayaan aanay saamayn ku yeelan karin caafimaadka, kaddib markii baaritaanno sannadkii u dambeeyey la sameeyey lagu ogaaday in ay xanuuno badan ka dawo yihiin.
Dhalinyarada ayaa ah dadka ugu badan ee isticmaala kareemada iyo saliida ay soo saarto Rayaan Organic . Axmed Cabdrixmaan waxaa uu muddo shan bilood ah isticmaalayaa saliid laga sameeyey Maringaha. Wuxuu Ergo u sheegay in muddadaas uu dareemay isbedel iyadoo ay horay timihiisu u daadan jireen.
Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay inay dhiiri-gelinayso dhalinyarada la yimaada hal abuurka cusub, isla markaana ay u fududayso ruqsadda shaqada. Cismaan Axmed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay dhalinyarada ku dhiiri-galiyaan tacabka ay gashadaan beeraha oo muhiimad wayn u leh kobacaha dhaqaalaha.
Inkasta oo aan wax soo saarka Muno wada gaarin deegaannada Somaliland oo dhan, haddana waxay qorshaynaysaa in mustaqbalka ay gaarsiiyo meelo ka baxsan Hargaysa.