Abaarta oo saameysay farasamo-yaqaannadii agabka u sameyn jiray reer-miyiga

0
112

(ERGO) – Rag ku shaqeysan jiray farsamada bir-tumista oo ay tiradooda gaarayso 950 ayaa lixdii bil ee u dambeysay shaqooyinkooda joojiyay. Abaaraha ayaa saameeyay reer-miyiga oo ka iibsan jiray agabka ay farsameeyaan. Raggan oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa soo saari jiray qalabka loo adeegsado qodista ceelasha, keydinta biyaha, gowraca xoolaha, goynta geedaha, dhisidda aqallada iyo xeryaha xoolaha.

“Noloshayadu waxay ku xirneyd reer-miyiga, markii ay barakaceen annagana wax wax naga gata waan weynay,” ayuu yiri Deeq Maxamed Cali oo guddoomiye u ah Shirkadda Birmaal Work Shop oo ay ku mideysan yihiin dadka bir-tumista uga shaqeysta Hargeysa. Xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda ayaa iibsiga agabkan u joojiyay abaaraha ku habsaday labadii sano ee la soo dhaafay.

Deeq ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ragga ay shaqo-la’aanta soo wajahday ay guryaha iska fadhiyaan, isla markaana ay ku adkaatay biilista qoysaskooda iyo bixinta waxbarashada carruurtooda.

Cabdi Mire Aadan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa farsamo-yaqaannadaas ka mid ah. Waxaa uu shaqada joojiyay shan bilood ka hor markii ay soo wajahday suuq-xumo. Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa laga saaray guri saddex qol ka kooban oo jiingad ahaa, kaddib markii uu awoodi waayay inuu bixiyo $90 oo kirada ah. Hadda wuxuu qoyskiisu ku hoydaa aqal cooshad ah oo uu uga dhisay dhul yar oo xaafad ay dadka saboolka ah degaan ka siiyay nin ay ilmo-adeerro yihiin.

Ninkan oo xirfadda bir-tumista ku shaqeysan jiray labaatankii sano ee u dambeysay ayaa maalintii heli jiray lacag u dhaxeysa $30 ilaa $50 marka laga iibsado noocyo kala duwan oo agabka uu sameeyo ah. Laakiin hadda wuxuu baryo ku raadiyaa raashinka ay qoyskiisu cunaan. Waxaa xitaa lagu leeyahay $72 oo ah lacagta ay lixdii bil ee u dambeysay dugsi Qur’aanka ku dhiganayeen afar ka tirsan carruurtiisa.

“Markii hore nin qani ah oo wax haysta ayaan ahaa. Kuwii aanu ku noolayn ayaan nolol helin annagu xaggeen ka heli? Waan iska joogaynaa uun Ilaahay ayaa howlaha kala dabbariye,” ayuu yiri Cabdi.

Farsamo-yaqaannada weli suuqa aan ka bixin ayaa nolol-maalmeedka qoysaskooda ka raadiya agabka magaalada laga isticmaalo sida burjikooyinka (girgiraha). Girgiraha oo ay ka sameeyaan gasaca caanaha laga dhameysto ayay xabbadii siistaan $1.

Muxyadiin Xirsi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in toban gudmood oo uu bishii hore sameeyay aanay cidi ka iibsan. Qoyskiisa oo ka kooban saddex carruur ah iyo hooyadood ayuu xusay inay wajahayaan nolol adag. Kuma filna saddexda waqti inay raashin ku iibsadaan $3 oo uu biil ahaan u siiyo marka laga gato girgireyaasha.

“Abaarta ma saameyn oo keliya dadka xoolaha haysta. Dadkaas ay xoolaha ka dhamaadeen ayaan la mid nahay, iyagii ayaa dhibban annaguna waanu ognahay xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri.

Wuxuu aaminsan yahay in noloshooda ay caadi ku soo noqon doonto marka abaarta laga baxo oo xoolaha ay iib u yeeshaan reer-miyiga, markaas oo ay suuragal tahay inuu dib u awoodo $10 oo maalin kasta uu qoyskiisa siin jiray.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here