Dadka farsama yaqaanada biraha tuma oo sheegay in abaaraha ay shaqo la’aan dhigeen

0
87

950 nin oo ka xoogsada biraha tumista  ayaa shaqo la’aani ku dhacday lixdii bilood ee  u dambeeyay, kadib markii ay abaaro darani ay saameeyeen dadka reer miyiga ah oo agabka ay sameeyaan ka iibsan jiray noloshooduna ku tiirsaneyd.

Farsamada yaqaanada oo Sameyn jiray  Dhiilaha, Gudmaha, Majooyinka, Sarabadaha, haamaha biyaha lagu dhaansado iyo sanaaduuq ay isticmaalaan dadka reer miyiga ah oo ka  iibsan jiray ayaa hoos u dhacay. Arrinta waxaa keentay  dadka reer miyiga oo aan waxba beeran amma xoolihii ka dhamaadeen.

Agabka waxaa ay dadka reer miyiga ahi u isticmaali jiraan qodista ceelasha,goynta oodaha, kaydinta biyaha iyo dhisida aqalada soomaaliga ah iyo xeryaha xoolaha.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here