(ERGO) – Waxaa toddobaadkii tegay dib loo furay jidka xiriirya magaalooyinka Burco iyo Buuhoodle, kaas oo ku xirmay colaado siddeed sano halkaas ka jiray. Jidkaan ayaa ah kan keliya ee xiriiriya labada magaalo oo isu jira 160 km kana wada tirsan gobolka Togdheer.
Labada beelood ee colaaddu dhex martay ayaa hishiis ay odayaasha iyo culimaa’udiinka ka wada shaqeeyeen ku gaaray gogol nabadeed oo la dhigay tuulada Qorilugud oo qiyaastii 40 km waqooyi ka xigta Buuhoodle.
Ganacsiga xoolaha, gaar ahaan kuwa laga keeno Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayuu jidkan muhiim u yahay. Muddadii ay colaaddu jirtay ayay ku khasbanaayeen in ay isticmaalaan jidad ka fog, kana kharash badan.
Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ka mid ah wadeyaasha markii ugu horreysay ee dib loo furay ku safray waddada, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay intii colaadda ay jirtay inay waddadan ka wareegi jireen masaafo gaaraysa 300 km. Safarkaas wuxuu ku qaadan jiray wax ka badan 16 saacadood, halka hadda ay ku maraan wax ka yar lix saacadood.
Tan ayaa sidoo kale wax ka beddeshay qiimaha gaariga lagu raaco. Gaariga Cabdiraxmaan oo nooca xamuulka qaada ah oo safarka markuu dheeraa lagu raaci jiray $20 ayaa hadda noqday $10.
Marka xilli galab ah ay gawaaridu Burco ka baxaan fiidkaba waxay tagaan Buuhoodle, waa marka Qorilugud la maro, halka jidka wareegadka ah ee dheer ay gawaarida ku qaadaneyso ilaa gelinka hore ee maalinta xigta galabta ay soo baxeen sida uu sheegay Cabdiraxmaan.
Ganacsata tuulada Qorilugud oo ah halka gogosha nabada la dhigay ayaa sheegay in meherado ka badan 30 oo isugu jira dukaamo, maqaayado cunto iyo goobo laga qaxweeyo ay ku xirmeen waddo-la’aanta.
Yuusuf Cabdullaahi Maxamed oo goob laga cunteeyo ku haysta Qorilugud ayaa sheegay in muddo sideed sano ah kaddib uu furayo ganacsigiisa. Billowgii colaadda ayuu sheegay in muddo labo bilood ah uu sii shaqaynayay, laakiin markii cuntada uu kariyo uu waayay cid ka cunta maadaama dadku ay deegaanka ka qaxeen, sidaasna uu ku xirmay ganacsigiisa.
Hadda oo uu dib u furay maqaayaddiisa wuxuu xusay in uu helo macaamiil u badan dadka safarka ah. Maalintii shan gaari ayaa timaada deegaanka sida uu sheegay.
Sheekh Cumar Axmed oo odayaasha Buuhoodle ka mid ah ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in la isku afgartay in qofkii dil gaysta la soo qabto loona gacan geliyo eheladii qofkii uu dilka u gaystay. Dhaca iyo dhibaatooyinka kale ayaa iyana lagu hishiiyay in masuuliyaddeeda ay qaadaan odayaasha iyo maamulka labada dhinac.
Isu-socodkii dadka iyo ganacsigii ayaa istaagay wixii ka dambeeyay bishii Abriil ee sanadkii 2011 oo ay billaabatay colaadda u dhaxeysa labada beel sida uu sheegay Sheekh Cumar. Siddeed jeer oo ay dhinacyadu dagaallameenna waxaa ku dhintay dad ka badan 300 oo qof. Waddada oo kala qeybisa deegaannada labada beel waxay noqotay meel go’doon ah oo looga cabsaday is aaneysi.