Heshiis laga gaaray colaad 8 sano jirtay oo u dhexeeyey qabaail dega Buuhoodle iyo Burco

0
151

Waxaa dib furmay todobaadkii tegey jidka xiriiriya Burco iyo Buuhoodle oo colaado 8 sano jiray ku xirmay. Jidkaan oo ahaa kan keliya ee xiriirinayey labadaas magaalo oo isku gobol ka tirsan

Odayaasha iyo culimaa’udiinka labada dhinaca ayaa heshiis ay ka soo wada shaqeeyeen ayaa ka dhacday gogol nabadeed oo la dhigay tuulada Qorilugud oo qiyaasta waqooyi Buuhoodle ka xigta 40km.

Nabadayntaan oo dhinacaydu qaban qaabadeeda wadeen 6dii bilood ee la soo dhaafay aya la isugu yimid 10kii Maarso 2018, isagoona socday 7 maalmood, wuxuuna ku salaysnaa xeer dhaqameedka nabadda Soomaalida.

Siduu sheegayo Sheekh Cumar oo ka mid ah odayaasha Buuhoodle coladahaan qabiilka oo soo bilowday  2011 waxaa ku dhintay 300 oo qof dad ka badan, intii ka danbaysayna is aanaysi ayaa jiray, iyadoo heshiis buuxa laga gaaray.

Weriyaheena Khadar Cawl ayaa warbixintaan ka soo diray Buuhoodle.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here