(ERGO) – Khudaar aad u badan oo ka soo go’day beeraha ayaa soo gashay suuqyada degmada Baardheere ee gobolka Gedo, taas oo ka dambeysay markii uu horraantii bishan biyo badan keenay webiga Jubba. Hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimid qiimihii lagu kala iibsanayay khudaarta labo bil ka hor. Waxaa suuqyada isku soo gaartay khudaarta soo go’eysa oo ka badan baahida dadka deegaanka, hase yeeshee waxay tani dhibaato ku tahay beeraleyda yaryar oo intii biyo-yarida lagu jiray galay kharash badan oo shidaal ah.
Beerahan oo la tacbay saddex bil ka hor ayaa laga cabsi qabay in wax-soo-saarkooda uu hoos u dhaco iyadoo ay sababtu tahay webiga oo biyo-yareeyay. Khudaartu way dhiman ogtahay haddii aysan joogto u helin waraab. Guddoomiyaha Iskaashatada Beeraleyda Baardheere, Maxamed Cabdiraxmaan Matow ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in beeraleyda oo ku dadaalaya waraab u helista khudaartooda ay tubbooyin dhaadheer iskula xiriiriyeen webiga iyo dhul-beereedka.
Wuxuu intaa ku daray in saddexdii bil ee u dambeysay la howlgeliyay 350 matoor oo biyaha webiga u soo jiidayay dhul-beereed uu ku qiyaasay 10,000 oo hektar.
“Waxaan is lahaa dhiisha faqriga ayaad tuureysaa [markii ay khudaarta ii soo go’day], balse kharashkii aan ku keenay ayaaba la igu yeeshay,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdirisaaq oo ka mid ah beeraleyda suuqa keensatay khudaarta. “Suuqu maanta maalin uu ka xun yahay ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Beer uu cabbirkeedu yahay 10 hektar ayuu ku leeyahay tuulada Xagar-buulle oo 13 km u jirta Baardheere, taas oo siddeed hektar oo ka tirsan uu ka goostay khudaar kala duwan. Khudaarta soo go’eysa waxaa ka mid ah; yaanyada, bocorka, mooska, qaraha, liin-dhanaanta, begelka iyo barbarooniga.
Tanagga yaanyada ah oo bishii hore ahaa Sosh175,000 ($7.6) wuxuu hadda marayaa Sosh20,000 oo ka yar hal doollar. Tanagga liin-dhanaanta ah oo hadda lagu kala iibsanayo Sosh23,000 ($1) wuxuu horay u ahaa Sosh60,000 ($2.6).
Beeraleyda waxay u arkaan khasaaro laakiin dadka kale ee deegaanka waxay u arkaan fursad wanaagsan. Saciid Xuseen oo deggan Baardheere ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay tani wax weyn ka beddeshay nolosha qoysaska danyarta ah.
Wuxuu xusay in khudaarta oo qaali ahayd ay sababi jirtay in biilka qoyskiisa aysan waxba ka soo harin ama deyn loo raacan jiray, hase yeeshee hadda uu isbeddel weyn dhacay oo lacagta ay adeegga khudaarta ugu talagalaan ay uga soo harto mid ay ku kaban karaan cunnooyinka kale.
Khudaarta oo aan keyd geli karin, qaarkeedna aan oolli karin wax ka badan toddobaad ayaa beeraleyda yaryar khasab uga dhigeysa inay ku iibsadaan qiimo kasta oo ay ku helaan, balse beeraleyda waaweyn ayaa fursaddan uga faa’ideysanaya inay u suuq-geeyaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxay buuxinayaan kaalinta ay banneeyeen gobollada uu maro webiga Shabeelle oo qallalnaa bilihii u dambeeyay ee kala ah Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.