Qoysas cusub oo ka soo barakacaya gaajo iyo colaado ka jira Shabeellada Hoose

0
256

Xeryaha lagu barakacay ee duleedada Muqdisho waxaa imanaya dad cusub oo ka soo barakacaya meelo kala duwan oo gobolka Shabeellaha Hoose ka tirsan, masuuliyiinta xeryaha kaxda iyo Garasbaaley ayaa sheegaya in bishan Maarso gudaheeda ay yimaadeen 500 oo qoys.

Dadka ayaa uga soo barakacaya deganadoodii siday sheegayaan cunno la’aan ku dhacday markii saddex sano oo is xiga aysan waaxba u soo bixin iyo collaado ku soo noq noqday. Waxayna ka yimaadeen degmooyinka Kurtuwaaray, Awdhiigle iyo tuulooyin ka tirsan Afgooye.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here