Wiil dhallinyaro ah oo sagaal sano ka hor isagoo darbi jiif ah laga soo waday waddooyinka magaalada Boosaaso, lana geeyey xarun carruurta agoonta iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah lagu xannaaneeyo, waxna lagu bara, ayaa ugu dambeyn markii uu wax bartay oo uu ka qalin-jabiyey wuxuu ku guuleystay in xaruntii uu wax ka bartay ka noqdo macallin, walibana maamulka sare ee xarunta ayuu kamid yahay.
Haddaba sheekadiisa iyo heerarka uu soo maray waxaa noo haya weriyaheena Boosaaso Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed.