Home Wararkii u Danbeeyay Mudug: Waxbararasho bilaash ah oo laga hirgeliyay Gal-barwaaqo

Mudug: Waxbararasho bilaash ah oo laga hirgeliyay Gal-barwaaqo

0
495
Keydka Ergo

Fartuun Maxamed Kulan, waa 28 jir haysata 4 carruur ah, waxay ka mid tahay 80 arday oo 30 ay waaweyn yihiin, kuwaas oo horraantii bishii la soo dhaafay ee Febraayo, helay markii ugu horreysay fursad waxbarasho, oo laga hirgeliyay deegaanka Gal-barwaaqo, oo 86 km Koonfur-bari ka xiga magaalada Gaalkacyo. Waxbarashada dugsigaan oo ah hoose Dhexe waa bilaash.

Dadka da’ ahaan ka daahay waxbarashada hoose/dhexe, waxay fursaddaan ka faa’iideystaan gelinka dambe. Fartuun weligeed deegaankan kama aysan bixin, waxbarasho maaddi ahna maysan helin, oo tani waxay u tahay fursaddeedii ugu horreysay.

“Markaan ka hor ma sameyn, meel waxbarashana maynan haysan, oo haddaa noogu horreyso, waanan ku faraxsanahay, waxaa la ii soo dhigaa Soomaali, xisaab iyo cilmiga bulshada,” ayay tiri Fartuun.

Fasalka koowaad ayuu midba gelin dhigtaa iyada iyo gabadha carruurteeda u weyn oo 6 jir ah. Si ay casharka u soo qaadato, waxay carruurta uga tagtaa gurigeeda, deriskana waxay ka codsataa inay dusha uga sii eegaan. Mararka qaar Fartuun ma hurto inay ilmaha u yar oo hal sano jir ah u qaadato iskuulka.

“Subixi reerka kama badiyo, ciyaalka ayaan quraacda u sameystaa, galabkiina iskuulkaan 8 saac gala, 10-ka saac baan ka soo baxaa, waana ku faraxsanahay waxbarasho lacag la’aan ah inaan helo, berri ayay I anfaceysaa, oo waan ku shaqeysanayaa haddaan waxbarto, tusaale haddaan caafimaad barto, waan ku shaqeysanayaa,” ayay tiri.

Horraanta bisha April ee soo socota ayaa imtixaanka koowaad ay gali doonaan ardayda dugsigaan waxbarashada ka helay, sida uu Radiyo Ergo u sheegay maamulaha dugsiga Cabdinuur Cali Abshir. In dadka deegaankaan ku nool ay waxbarasho helaan waxay ku xirnayd in qoyskii awooda uu u guuro meel waxbarasho uu uga heli karo carruurtiisa, ama uu ku qasbanaado inuu u dirsado carruurtiisa Gaalkacyo, Muqdisho ama meelo kale oo dalka ah haddii ay qaraabo ku leeyihiin.

Aways Axmed Diiriye, oo kamid ah dadka deegaanka, wuxuu ahaa xoolo-dhaqato ka hor intaysan abaarta ka dhameynin 150 neef oo ari ah oo uu dhaqan jiray. Aabahan, markii ugu horreysay ayuu 4 kamid ah carruurtiisa u helay waxbarasho. Carruurta Aweys u dhigta dugsiga waa 4 carruur ah, 3 gabdhood iyo hal wiil.

“Sababta aan u geeyay waxaa weeye jaahilnimo ayaan kala baxsanayay, maxaa yeelay aniga oo ah aabohood ayaa dhagax jabin cidiyuhu iiga baxeen, in aysan marin wadada kulaylka ah ee aan ku korsho waxaan doorbiday in ay tacliin helaan caruurtayda oo aan mustaqbalkooda danbe ka fakaro, waa markii iigu horaysay ee aan ilmo aan dhalay  waxbarasho maadi ah aan geeyo qur’aan mooyee,” ayuu yiri.

50-ka carruurta ah ee dugsigan xaadira waxay waxbartaan gelinka hore, waxaana ilmaha ardayda ah u weyn 15 jir. Dugsigan waxaa lagu dhigtaa dhar gaar ah, sida dugsiyada kaleba, laakiin waalidka isaga ayaa carruurtiisa u soo iibsanaya dharka, sida uu sameeyay Aweys oo carruurtiisa fursaddan u helay.

“Waalidka kunool deegaanka galbarwaaqo waxa ay aad udaneeyaan waxbarashada iyaga
ayaana gacantooda kuhirgaliyay xaruntaan markasta waxaan ka shirna tayaynta iskuulka deegaanka,” ayuu yiri Aways.

Waalidiinta deegaanka waxay si iskaa-wax-uqabso ah uga qeyb qaateen dhismaha dugsiga.

Deegaanka Gal-barwaaqo, waa deegaan dadka ku nool ay isugu jiraan xoolo-dhaqato, ganacsato dukaamo yaryar ku leh iyo dad ku soo barakacay abaaraha. 2,700 oo qoys ayaa ku nool deegaanka iyo tuulooyin ku dhow dhow, sida ay noo sheegeen maamulka deegaanka.

Dhismaha iskuulka deegaankan loo dhisay iyo hirgelintiisa oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka ku nool iyo qurba-joogta deegaanka oo lahaa kaalinta ugu badan ee dhismaha dugsiga oo ay ku  baxday 7 kun oo doolar. Waxaa ardayda wax bara 4 macallin oo ka timid Gaalkacyo.

Maamulaha dugsigaan, Cabdinuur Cali Abshir, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qorshaha uu yahay in iskuulkaan la gaarsiiyo dugsi sare ilaa heer jaamacadeed.

“Waxaan gacan ka helnay jaaliyadda deegaanka u dhalatay oo naga taageeraya qarashka iskuulka kubaxaya sida mushaharka macallimiinta agabka iskuulku u baahan yahay iyo haddii ay noqoto ballaarinta iskuulka oo aan mustaqbalka dhow ku darayno qolal kale, waxana ay horumar u tahay waxbarashadu deegaanka”.

Maamulaha ayaa sheegay in dugsigaan uu rajo u yahay in uu baddelo mustaqbalka carruurta deegaanka, haddii aysan fursaddaan heli lahayna ay halis ugu jiri lahaayeen jahli ama Mustaqbal aan wanaagsaneyn.

“Waxaa jira gudi ka kooban 5 xubnood oo u xil saaran wacyigalinta waalidiinta si carruurta waxbarashada loo keeno, waxay tagaan xubnahaasi xaafadaha meelaha la isugu yimaado miyiga ku dhow deegaanka iyagoo waalidka ku baraarujiyay in caruurtooda ay mustaqbalkooda ka fakaraan waxbarashadan lacag la’aanta ahna u geeyaan, sidaas ayaana ku wadnaa si waanagsan ayayna wax kasta u socdaan”.

Nuur Maxamuud Xirsi, waxa uu kamid yahay odayaasha deegaanka Gal-barwaaqo, wuxuu sheegay in iskuulkan uu muhiimad badan ugu fadhiyo deegaanka oo dadka ku nool waligood waxbarasho maadi ah aysan helin.

“Waxaan ka qayb qaatay anigu baraarujinta waalidka in ay carruurta geeyaan waxbarashada iyaguna tagaan. Dhiirigalintu waa mid joogta ah, Maadama waxbarashadu ay ku cusubtahay deegaanka dadka qaar wacyigalinta way qaateen kuwa kalana ee aan qaadan waan ku wadi doona si ay u fahmaan muhiimada waxabarashad”.

Waxa uu xusay in uu usoo joogay in dhallinta deegaanka usoo kacda markasta intooda badan ay ka mid noqon jireen kooxaha hubaysan iyo qaar isticmaala maandooriyeyaasha, laakiin hadda rajo wayn ay ka qabaan jiilka soo kacaya ee waxbarashada hada bilaabay, in  deegaanka iyo naftoodaba wax tari doonan.

Deegaannada ka fog magaalooyinka dadka ku nool ee reer guuraaga ah ma helaan fursado waxbarasho oo ay uga faa’iideeyaan carruurtooda.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here