Barafisoor Muuse Shaaciye waa khabiir dhinaca webiyada iyo biyaha ah, wuxuuna sheegayaa in xilligaan uu webiga Shabeelle biyo keenay, biyaha webiga wakhtigaan soo galay ayuu ku sheegay in badi ay yihiin kuwo ku kaydsanaa biyo xireenno Ethiopia oo laga soo daayey hadda, ayna yihiin biyo wata cusbo fara badan.
Mudane Shaaciye ayaa ku talinaya inaysan beeralayda 10kaa maalmood ee ugu horaysa aysan beeraha ku waraabin biyahaan cusub ee webiga, si ay uga fogaadaan in beeraha ay ka noqdaan kuwo cusbo badan ay gasho ciidda, kadibna wax dhalistii ku yaraato.
Waraysiga barafisoorka oo dhamays tiran halkaan hoose ka dhegeyso.