Buuhoodle: Haween barakacayaal ah oo la baro sida loo diyaariyo cunooyinka nafaqada leh

0
246

Iskuul wax lagu barayo haweenka ku soo cayrtoobay abaaraha ee ku sugan Buuhoodle ayaa hadda ay wax ku bartaan 170 haween ah oo kuwa soo barakacay ah ayaa la baraa hababka haboon ee nafaqaynta, waxayna wax ka bartaan iskuul dhinaca kobcinta farsamada ah lana yiraahdo Hadaf.

Iskuulkaan ayaa shaqaynaya saddex bilood hadda, waana difacaddii ugu horaysay ee wax ku baranaysa iyadoo haweenka la barayo habka hagaagsan ee nafaqaynta iyo ka hortagga nafaqa daradda carruurta ku dhacda.

Caasha Faarax oo ah hooyo 45 jir ah caruur 6 ahna haysata ayaa ii sheegtay in 100 dollar oo gargaar ah bishii loo soo diro, ayna ku iibsato bariis, saliid caday iyo sonkor iyo caleen shaah. Qiimo ahaanna intaas uun ay u goyso.

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here