Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa biyo la’aan ay soo wajahday, xoolo-dhaqato iyo dadka deegaanno dhul-daaqsimeed ah oo ku yaalla buuralayda u dhexaysa Caluula iyo Qandala ee gobolka Bari.
Hal ceel oo ay dadka iyo duunyadu ka cabi jireen ayaa jabay muddo hadda laga joogo saddex todobaad. Qiimaha biyaha oo laga keeno deegaanno kale ayaa iyaguna qaali noqday. Xoolo-dhaqatada qaar ayay duruuftku ku kalliftay in ay ka barakacaan deegaanka kaddib markii biyo u waayeen xoolohoodii.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji ayaa warbixintan Garoowe innooga soo diray