Shuceyb Cabdiraxmaan Muxumed waa 17 sano jir ku nool magaalada Hargeysa, waa hal-abuur curiya suugaanta maansooyinka, Jacburka, riwaayada iyo Badalida heeso horay loo qaaday. Shuceyb waxaa uu fasalka saddexaad ee dugsi sare oo ku yaala Hargeysa, Baraha bulshada iyo deegaanada Somaliland ayuu caan kaga yahay Riwaayadaha iyo Jacburada.
Wariyaha Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali, ayaa ka wareystay waxay ku qaadatay inuu bahda fanka ka mid noqdo iyo suugaantiisa Jacburka ah.