Gaarisa: Gudniinka fircooniga oo lala dagaallamayo

0
176

Istaraatiijiyad cusub oo lagu joojinaya gudniinka fircooniga ayaa laga daah-furay toddobaadkan magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari Kenya.

Barnaamijka ayaa yimid kaddib markii la ogaaday in heerka gudniinka fircooniga ee lagula kaca gabdhaha uu aad u sareeyo deegaannada ismaamulka Gaarisa, waxayna ururrada maxalliga ah sheegayaan in uu gaarsiisan yahay wax ka badan 97%.

Haddaba qorshahan iyo sida bulshada looga wacyigelinaya khatarta gudniinka fircooniga ayaan ka wareysanay Faadumo Axmed Bathi oo kamid ah madaxda ururrada dhallinyarada ee ismaamulka Gaarisa ee ka shaqeynaya istaraatiijiyaddan. Maxamed Xaashi ayaa wareystay.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here