In ka badan boqol qof oo Soomaali qaxooti ahaa ayaa laga soo celiyay dalka Yemen

0
130

144 qof oo ah Soomaali qaxooti ku ahaa dalka Yemen ayaa shalay ka soo degay dekada magaalada Berbera. Dadkan oo u badnaa Caruur iyo haween ayaa waxaa imika ay ku suganyihiin xero barakac oo lagu daryeelo dadka soo noqday. 48-ka saac ee soo socda gudahooda ayaa loo qaadi doono magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho, Burco, Boosaaso iyo Garoowe oo ay dadkaasi kasoo jeedaan.

Xaalada qaxootigan soo noqday iyo waxaa loo qabanayo weriyaha Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali ayaa ka wareystay Hana Cabdisalaan Maxamed oo ah madaxa diwaangalinta hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha ee Somaliland.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here