(ERGO) – Haween gaaraya 11 qof ayaa labadii bil ee u dambeysay iyagoo ku jira xilliga foosha ku dhintay deegaanka Bacaadweyne oo 200 km u jira Gaalkacyo. Deegaanka iyo tuulooyinka hoostaga oo aan lahayn xarumo caafimaad oo lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka, waxaa ku nool qoysas lagu qiyaasay 3,000 oo ah xoolo-dhaqato ay abaarta saameysay.
Ardo Cali Caabbir oo dhimatay bartamihii bishii hore, ayaa ahayd hooyadii ugu dambeysay ee ku umul-raacday deegaanka Bacaadweyne. Xabiibo oo ah walaasheed ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay foolaneysay muddo afar maalmood ah. “Maalinkii afaraad habeenkeedii ayuu Alle kala keenay. Waxaa ku hartay ibidii oo labo maalin oo kale ku jirtay. Xaalad adag oo caafimaad ayay gashay daryeelna ma helin,” ayay tiri.
Waxay intaas ku dartay in ay sidoo kale dhiig-baxday, wejiga iyo lugahana ay ka barartay ka hor intii aysan dhiman. Xabiibo waxay hadda korisaa afar carruur ah oo ay ka tagtay walaasheed, kuwaas oo ay ku jirto gabadha ay foosheeda sababsatay oo xaaladdeeda ay wanaagsan tahay.
Waxay xustay muddadaas ay foolaneysay walaasheed inay waayeen dhaqaale ay ugu kireeyaan gaari geeya isbitaalka Gaalkacyo oo loo socdo dhowr iyo toban saacadood. Waxay sheegtay inay yihiin dad sabool ah oo xoolihii ay dhaqanayeen ay abaarta ka dishay. 200 oo neef oo ari ah oo haysteen ayaa hadda waxaa uga soo haray 20 oo keliya.
Duruufaha caafimaad darro ah ee haysata haweenka waa mid wali ka jirta deegaanka. Ikraam Jaamac oo kamid ah haweenka uurka leh ayaa toddobaadkii hore loo qaaday magaalada Gaalkacayo, kaddib markii xaaladdeeda waxba laga qaban waayay. Faadumo Cabdi Maxamed oo ah umilisada keliya ee xilligan ka shaqaysa Bacaadwayne ayaa Ergu u sheegtay in markii Ikraam oo laba maalmood foolanaysay loo keenay, ay kula talisay ehelkeeda in la qaado maadaama aanay waxba ka qabin karin. Waxay sheegtay in gabadhu oo miska yar yar leh ay adkaatay in ilmuhu uu soo gudbo.
Xaaladaha u baahan qalliinka, gaar ahaan marka ilmuhu dadban yahay iyo hooyada ay ka muuqato nafaqo-la’aanta ayay sheegtay in ay ku taliso in loo qaado isbitaallada ku yaalla Gaalkacayo.
Maadamaama aanu deegaanku lahayn xarun caafimaad iyo farmashiyayaal, ayay Faadumo sheegtay in haweenka ay ku umilso qol ku dhex yaal gurigeeda. Bishii ayay mar ka soo iibsataa magaalada Gaalkacayo daawooyinka iyo agabka kale ee ay u baahan tahay.
Labadii sano ee u dambaysay ayay sheegtay in ay ka umulisay 73 haween ah oo fooshoodu sahllanayd.
Guddoomiyaha degmada Bacaadwayne Axmed Daahir Macallin ayaa dhankiisa sheegay in 44 haween ah ay umul-raaceen muddo ka yar sanad. Qoysaska deegaanka oo danyar ah aanay ayaan awoodin in ay iska bixiyaan kharashaadka gawaarida gaynaya Gaalkacayo oo midkiiba uu qaato 300 oo doolar.
Lix iyo labaatankii carruur ah ee ku dhasha Soomaaliya mid ka mid ah ayaa dhinta sida ay bishii hore sheegtay hay’adda UNICEF oo warbixin ka soo saartay umul-raaca. Soomaaliya ayaa kaalinta afaraad ka gashay wadamada ee haweenka ugu badan ku dhintaan xilliga foosha.