Tallaalka waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka DFS, WFO iyo UNICEF, wuxuuna qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 4.7 milyan oo carruur ah kuwaas oo ka yar 10 sano.
Maamulada Koonfur-galbeed, Jubbaland ayuu sidoo kale ka socdaa tallaalku. Deegaannada Somaliland ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo tallaalka carruur ka badan Hal milyan.
Weriyaha Ergo ee Muqdisho Munasar Maxamed Cabdi ayaa warbixintan noo soo diray