Sagaal Carruur ah ayaa cudurka Jadeecada ugu geeriyooday deegaanno ka tirsan gobolka Mudug. Labo ka mid ahaa carruurtaas waxay ku dhinteen isbitaalka Gaalkacyo, sida uu Radiyo Ergo u sheegay madaxa qeybta daweynta jadeecada ee isbitaalka. Deegaannada jadeecada ka jirto ayaa ah dhulalka ka fog xarumaha caafimaadka iyo deegaannada laamiga ka baxsan. Warbixin arrintaas faahfaahinaysa waxaa inoo soo diray weriyaheenna Gaalkjacyo Jibriil Cismaan Cilmi.