Dadka ku cayrtoobay abaaraha oo nolol ka raadsanaya xaalufinta dhirta

0
184

Dadka ku nool deegaanno Koonfur-galbeed 40 km kaga beegan degmada Oodwayne ee gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegaya in xaaluf ba’an lagu hayo dhirta qoyan, kaddib markii inta badan dhirtii qallalayd ay deegaanka ka dhammaadeen.

Xoolo-dhaqato xoolohoodii ku waayay abaarta ayaa la sheegayaa in ay garaacayaan dhirta kaddibna ay xaabo iyo dhuxul ka dhigayaan. Dadka dhirta xaalufinaya ayaa ku doodaya in jarista dhirta ay nolol uga raadinayaan qoysaskooda oo markii hore ku tiirsanaa xoolaha. Weriyaha Ergo ee magaalada Burco Sidiiq Yuusf Khalaf ayaa warbixintan inoo soo diray.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here